7/2/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Jun 1 , 2024
Faahfaahino kasoo baxaya duqeymo ka dhacay gobolka Bari oo lala beegsaday xubno ka tirsan Daacish
 

Sabti, Jun, 1, 2024 (HOL) - Dowlada Fedaraalka Soomaaliya ayaa sheegtay in duqeyn dhanka cirka ah oo ay fuliyeen diyaaradaha aanan duuliyaha laheyn ee loo yaqaano Drones,ka oo ka dhacay gobolka Bari in lagu beegsaday xubno ka tirsan kooxda Daacish.

War kooban oo kasoo baxay dowladda ayaa lagu sheegay in howlgalka duqeynta ah iney iska kaashadeen ciidamada dowladda Soomaaliya iyo kuwa saaxiibadda Caalamka ee dowladda Mareykanka in laga fuliyay goob ay isku uruursanayeen xubno ka mid ah kooxda Daacish.

“Ciidanka qaranka oo garab ka helaya saaxiibada caalamiga ah gaar ahaan Mareykanka ayaa howlgal lagu dhabar jabiyay kooxda argagaxisada ee Daacish ka fuliyay gobalka Bari. Howlgalka oo qeyb ka ah dagaalka lagu ciribtirayo argagaxisada ayaa waxaa jab loogu geystay maleeshiyada Daacish oo halkaas isku uruursaneysay" ayaa lagu yiri qoraalka kasoo baxay dowladda Soomaaliya.

Qoraalka kasoo baxay dowladda Fedaraalka laguma faahfaahin khasaaraha dhabta ee lagu gaarsiiyay kooxda Daacish inta uu dhan yahay iyo goobta uu sida gaarka ah uga dhacay howlaglka duqeynta ah.

Weerarkaan ayaa noqonaya kii labaad oo mudo todobaad gudahiisa ah ay dowladda Federaalka Soomaaliya sheegto iney ka fulisay deegaano ka tirsan Puntland oo ay ku beegsatay xubno ka kala tirsan Al-shabaab iyo Daacish.

Weerarkii kan ka horeeyay ayay sheegtay dowladda Fedaraalka iney ku dishay xubno ka tirsan Al-shabaab oo gaarayay 20 xubnood, hayeeshee waxaa arinkaasi beenisay Puntland oo sheegtay ineysan jirin ciidamo ka jooga dowladda Fedaraalka deegaanada maamulkaas.