7/15/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, July 9 , 2024
Wafdi ka socda Jubbaland oo degmada Luuq u tagay xal u helista dagaal beeleed khasaare badan geystay

Talaado, Luulyo, 9, 2024 (HOL) - Wafdigaan oo uu hoggaaminaayo madaxweyne ku xigeenka maamulka Jubbaland Maxamuud Sayid Aadan ayaa maanta gaaray magaalada Luuq ee gobolka Gedo oo maalmahii lasoo dhaafay ka dhaceen dagaal beeleed khasaare geystay.

Wafdiga madaxweyne ku xigeenka Jubbaland ayaa isugu jira Wasiiro iyo Xildhibaano ka tirsan Jubbaland, waxaana garoonka diyaaradaha degmada Luuq si weyn ugu dhaweyay maamulka degmadaas iyo qeybaha kala duwan ee bulshada.

Ujeedka wafdigaan u tageen magaalada Luuq ayaa ah ka shaqeynta xal u helista dagaal beeleedka iyo nabad ku wada noolashaha beelaha ku dagaalamayay dhowrkii maalmood ee lasoo dhaafay gudaha magaaladaas.

Dagaal beeleedka ka dhacay degmada Luuq mudo sadax maalmood oo xiriir ahaa ayaa la xaqiijiyay iney ku dhinteen dad gaaraya 30 ruux oo isugu jira dhinacyada dagaalamayay iyo dad shacab ahaa, waxaana ku dhaawacmay tiro intaas ka badan.