7/15/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, July 9 , 2024
Fahfaahin ku saabsan socdaalka uu hoggaamiyaha SSC- Khaatumo ku jooga Jabuuti
 

Talaado, Luulyo, 9, 2024 (HOL) - Hogaamiyaha maamulka SSC-Khaatumo Cabdiqaadir Axmed Aw-Cali (Firdhiye) iyo xubno maamulkiisa ka tirsan, ayaa maalintii sedexdaad waxay ku sugan yihiin Jabuuti.

Booqashadan ayaa ah middii ugu horreysay ee hogaamiyahan uu ku tago Jabuuti tan iyo markii uu qarxay dagaalkii gobolka Sool ee bilowgii sanadkii hore ee 2023.

Wasiirka warfaafinta Maamulka SSC-Khaatumo Najiib Barkhadle ayaa ku tilmaamay booqashada uu Firdhiye ku tagay  Jabuuti inay tahay guul weyn oo usoo hotay SSC.

Waxa uu sheegay in Jabuuti ay gacan ka geysan doonto, dawlad dhiska deegaannada SSC- Khaatumo, si la mid ah taageerada Jabuuti ay ku garab taagan tahay Soomaaliya inteeda kale, si loo xoojiyo hay’adaha dawladda.

Wasiirka warfaafinta SSC wuxuu dhinaca kale wax kama jiraan ku tilmaamay in Jabuuti ay Somaliland ku taageeraysay dagaalladii ka dhacay Sool. Wuxuu wararkaasi ku tilmaamay inay ahaayeen kuwo been abuur ah.

Dhinaca kale, wasiirka warfaafinta SSC- Khaatumo ayaa sidoo kale ka hadlay nuxurka wadahadal Jabuuti ku dhexmaray madaxweynaha maamulkooda iyo ku xigeenka xoghayaha guud ee IGAD, Maxamed Cabdi Waare. Waxa uu sheegay in laga wada hadlay sidii Somaliland iyo SSC isku dhaafsan lahaayeen maxaabiista labada dhinac.

Najiib Barkhadle wuxuu tilmaamay in maxaabiista dagaaal ee ay gacanta ku hayaan SSC- Khaatumo ay yihiin dambiilayaal caalami ah, kuwaas oo uu xaqiijiyay inay wajihi doonaan maxkamad si xukun loogu rido.

"Waxyaalaha la isla soo qaaday waxaa ka mid ahaa arimaha maxaabiista, arrimaha maxaabiistuna waa kiis caalami ah, annagana si gaar ah saameyn noogu leh, labo dhinac marka loo kala qaado, waxaa ku jira dad dambiilayaal ah oo waaweyn oo iyagoo gacanta dambiga iyo dhiigga kula jira la qabtay, dadkaas maxkamad uun bay sugayaan’’ ayuu yiri  Najiib.

 Si kastaba ha ahaatee, socdaalka uu Firdhiye ku tagay Jabuuti ayaa kusoo aadaya, xilli uu aad u xun yahay xiriirka  Somaliland iyo Jabuuti.