7/15/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, July 9 , 2024
Hoggaamiyaha Daacish ee Soomaaliya oo la ogaaday inuu nool yahay oo uu ka badbaaday duqayntii Maraykanka
 

Talaado, Luulyo, 9, 2024 (HOL) - Hogaamiyaha kooxda Daacish Soomaaliya, Cabdulqaadir Muumin, ayaa la ogaaday inuu nool yahay oo uu ka badbaaday duqayn cirka ah oo uu Maraykanku la bartilmaameedsaday  31-kii May ee sannadkan.

Ilo xog ogaal ah oo katirsan hay'adaha Puntland ayaa u sheegay HOL, in hoggaamiyaha Daacish uu weli ku sugan yahay goob qarsoodi ah oo ammaankeeda aad loo ilaaliyo oo kutaala buuraha Calmiskaad ee gobolka Bari, halkaas oo farriisin u ah kooxda Daacish.

Hoggaamiyaha Daacish ayaa kasoo muuqday isagoo la hadlayay dagaalamayaal katirsan Daacish, kuwaas oo loo diyaarinayo inay dagaallo la galaan kooxda Alshabaab, oo ay ku wada hardamayaan gacan sarraynta gobolka Bari.

Dhawaan, Saraakiil katirsan sirdoonka Maraykanka ayaa xaqiijiyay in duqayn uu Maraykanku ka fuliyay Soomaaliya dabayaaqadii bishii May, lala beegsaday hoggaamiyaha ugu sarreeya kooxda Daacish ee Soomaaliya, Cabdulqaadir Muumin  balse lama caddayn in lagu dilay duqayntaas.

Saddex sarkaal oo Maraykan ah ayaa xaqiijiyey in bartilmaameedka duqaynta uu ahaa hoggaamiyaha ugu sarreeya Daacish ee Soomaaliya, Cabdiqaadir Muumin. Balse duqayntaas waxaa ku geeriyooday saddex xubnoood kale, qaar kalena way ku dhaawacmeen.

Daacish ayaa saameyn weyn ku leh gobolka Bari ee Puntland, waxaana lagu yaqaanaa inay weeraraan goobaha ganacsiga iyo dadka aan bixin lacagaha baadda ah.