7/15/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, July 9 , 2024
Ciidamada dowladda oo howlgalo ka dhan ah Al-shabaab ka fuliyay deegaano ka tirsan gobolka Hiiraan
 

Talaado, Luulyo, 9, 2024 (HOL) - Ciidanka xoogga dalka Soomaaliya oo garab ka helaya kuwa dadka deegaanka ayaa howlagalo ka dhan ah kooxda Al-shabaab ka fuliyay deegaano hoostaga degmada Buula burte ee gobolka Hiiraan.

Deegaanada ciidamada iskaashanaya ay howlgalada ka sameeyeen ayaa dhamaantood ah kuwa hoostaga deegaanka Beera yabaal oo dhanka Waqooyi kaga beegan degmada Buula burte.

Howlgalkaan ayaa ciidamadu ku burburiyeen goobo la tilmaamay iney isku aruursanayeen xubno ka tirsan kooxda Al-shabaab, waxaana howlgalka si wadajir ah u hoggaaminaayey Abaanduulaha Ururka 8-aad guutada 18-aad ee Gorgor Naqiib Cabdullaahi Xersi iyo Taliyaha Ururka 291-aad guutada 29-aad ee Daljir Gaashaanle Cali Cadde.

“Waxaa cagta lagu mariyay howgalka goobo ay ku dhuumaaleysanayeen khawaarijtu oo ku yaalay deegaanka Beero yabaal oo hoostaga degmada Buula burde ee gobolka Hiiraan” ayaa lagu yiri qoraal ka soo baxay dowladda.

Saraakiisha hoggaamineysay howlgalka waxay sheegeen iney sii wadayaan howlgalada noocaan oo kale ah oo ay uga hortagayaan weerarada iyo dhagarta kooxda Al-shabaab.