7/15/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, July 9 , 2024
Madaxweyne Xasan sheikh oo Asmara kula kulmay cutubyo katirsan ciidamada Cirka Soomaaliya
 

Talaado, Luulyo, 9, 2024 (HOL) - Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud oo uu wehelinayo Madaxweynaha Ereteriya Isaias Afwerki ayaa kormeer ugu tagay cutubyo katirsan ciidanka Cirka Soomaaliya oo tababar ku qaadanaya xarunta ciidanka Cirka ee Ereteriya (EAF) ee magaalada Asmara.

Madaxweynaha ayaa kadib u kuur-galay xaaladaha ay ku sugan yihiin, isagoo warbixinno ka dhageystay qaar ka mid ah saraakiisha iyo askarta uu tababarka u socdo.

Kormeerka kaddib, madaxweyne Xasan Sheikh ayaa soo gaba gabeeyey Socdaalkii uu ku joogay dalka Ereteriya.

Eritrea ayaa kumanaan askari  u tababartay Soomaaliya, laakiin madaxweyne Sheikh ayaa lagu dhaliilaa in dowladdiisa aysan si fiican uga faa'idaysan ciidamada dalka dib loogu soo celiyay. Marka laga reebo qaar haatan ku jira jiidaha dagaalka iyo tiro ku dhimatay dagaalada Alshabaab.

Dowladda Soomaaliya waxay haatan doonaysaa inay dib u dhisto ciidamadii cirka Soomaaliya, iyadoo markii dalka laga qaaday cunaqabatayntii hubka ee saarnaa ay markii ugu horraysay Soomaaliya taageero militari oo cirka ah ka heshay dowlado saaxiib dhow la ah Soomaaliya.

Dhawaan, waxay dowladdu soo bandhigay diyaarad Helicoptar ah oo ay sheegtay inay ka qeyb gasho dagaallada lagula jiro kooxda Alshabaab. Madaxweyne Xasan Sheikh ayaa safarkiisii ugu horreeyay ugu raacay diyaaraddaas deegaan kuyaala gobolka Shabeellada Dhexe.