9/26/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, July 31, 2024
Raysal Wasaare Xamse "Xaaladu waa is badashay Al-shabaab waxaa lagu weeraray goobaha ay kasoo duulaan tagayeen"
 

Arbaco, Luulyo, 31, 2024 (HOL) - Raysal wasaaraha Xukuumadda Fedaraalka Soomaaliya Xamse Cabdi Barre ayaa shaaca ka qaaday in la joogo waqtigii la ciribtiri lahaa kooxda Al-shabaab  ee wali ku sugan qaar ka mid ah gobolada dalka.

Xamse Cabdi Barre ayaa sheegay in Xukumada Danqaran ay ka go'an tahay ka guul gaarista sidii Al-shabaab looga saari lahaa guud ahaan dalka, islamarkaana la kordhin doono howlgalada ka dhanka ah Al-shabaab.

"Ahmiyadda koowaad ee Xukuumaddiisa Dan Qaran waxay tahay xoojinta Amniga sidaas awgeed waa in la kordhiyo howlgallada ka socda deegaanada ay weli maamulayaan Shabaab si looga ciribtiro guud ahaan deegaanada ay ka joogaan dalka" ayuu yiri Raysal wasaare Xamse.

Wuxuu sidoo kale tilmaamay Raysal wasaare Xamse iney isku soo dhamaatay waqtii kooxdu soo weerari jirtay Saldhigyada ciidanka, islamarkaana haatan la gaaray xiligii lagu weerari lahaa goobaha ay ku sugan yihiin.

"Muddo dheer ayay Al-shabaab ay weerarro iyo qaraxyo geysanayeen, balse xaaladdu waa  isbadeshay oo waxaa lagu weeraray goobaha ay kasoo duulaan tagayeen, waana laga qabsaday oo Buulo Xaaji ayaa ka mid ah meelaha lagu weeraray oo laga saaray" ayuu yiri Raysal Wasaare Xamse Cabdi Barre.

Raysal wasaaraha Soomaaliya ayaa hadalkaan ka sheegay kulan uu kula qaatay deegaanka Buulo Xaaji ee gobolka Jubbada hoose ciidamo isugu jira Kumaandooska DANAB iyo kuwa Daraawiishta maamulka Jubbaland ee dhawaan halkaas kula dagaalamay kooxda Al-shabaab.