9/26/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, July 31, 2024
Qarax miino oo sababay dhimashada iyo dhaawaca dad shacab oo ka dhacay Galgaduud

Arbaco, Luulyo, 31, 2024 (HOL) - Wararka ka imaanaya gobolka Galgaduud ayaa sheegaya in deegaanka Gawaan oo ka mid ah deegaanada hoostaga degmada Ceeldheer ee gobolka Galgaduud inuu ka dhacay qarax miino oo sababay dhmashada iyo dhaawaca dad shacab ah.

Inta la xaqiijiyay qaraxaan miino oo ahaa nooca dhulka lagu aaso waxaa ku geeriyooday hal qof, waxaana ku dhaawacmay qof kale, kadib markii ay la qaraxday miinadaan oo ku aasneyd wadada.

Qofka shacabka ee qaraxa miinada ah ku geeriyooday oo ah wiil dhalinyaro ahaa ayaa magaciisa lagu sheegay Aways Cali Guure oo loo yaqinay Butugeey, waxaana qofka kale ku dhaawacmay qaraxaasi dhaawaciisa la geeyay isbitaal ku yaala magaalada Ceeldheer.

Saraakiil ka tirsan ciidamada deegaanka ee Macawiisleyda degmada Ceeldheer ayaa warbaahinta u sheegay in Miinadaas ay wadada ku aaseen Al-Shabaab si ay ugu dhibaateeyaan Shacabka iyo ciidamada.

Ma ahan markii ugu horeysay oo sidaan oo kale ay dhimasho iyo dhaawac ku noqdaan qaraxyada miino ee kooxda Al-shabaab ku aasto wadooyinka dad shacab ah oo aan waxba galabsan,