9/26/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, July 31, 2024
Ethiopia oo sheegtay in Alshabaab ay halis weyn ku tahay amniga dalkooda

Arbaco, Luulyo, 31, 2024 (HOL) - Dowladda Ethiopia ayaa sheegtay in kooxda Alshabaab ay weli halis weyn ku tahay ammaanka iyo xasiloonda dalkeeda iyo guud ahaan  Geeska Afrika, iyadoo sheegtay in ciidamadeeda amniga ay ku jiraan xaalad feejigaan ah, si ay uga hortagaan Alshabaab.

Afhayeenka wasaaradda Arrimaha Dibadda Ethiopia, Nebiyu Tedla, ayaa sheegay in ciidamada Ethiopia ee ku sugan dhulka xuduudaha iyo ciidamada qeybta ka ka ah ah howlgalka ATMIS ay si dhow ula socodaan dhaqdhaqaaqyada  Shabaabka.

Nebiyu Tedla ayaa ku ammaanay ciidamada Itoobiya ee ku sugan gudaha dalka inay hoos u dhigeen halista kaga imaan karta Alshabaab, hase ahaatee wuxuu sheegay in mar walba Alshabaab ay tahay khatar halis ku ah amniga dalkooda.

Wuxuu sheegay dowladdiisa inay ka go’an tahay inay iskaashi dhinaca ammaanka ah la yeelayo dalalka deriska la ah, si loo yareeyo halista Alshabaab ay ku hayso amniga Geeska Afrika.

Hadalka afhayeenka arrimaha dibadda Ethiopia ayaa kusoo beegmay, iyadoo Itoobiya ay ciidamo aad u fara badan soo dhigtay xaduudaha iyo qeyb kamid ah gobolada dhexe ee dalka, taasoo ay ku micnaysay inay qeyb ka tahay sugidda amniga ciidamadooda oo dhawaan ka baxaya Soomaaliya.