9/26/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, July 31, 2024
Wasiir Fiqi: Ethiopia waxay nagu diraysaa dalalka taageerada nasiiya, iyadoo ka gadaysa in aynaan wada hadal diyaar u ahayn

Arbaco, Luulyo, 31, 2024 (HOL) - Wasiirka arrimaha dibadda ee xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Ambassador Axmed Macallin Fiqi ayaa sheegay, dowladda Ethiopia inay isku dayayso inay iska horkeento Soomaaliya iyo dalalka deriska iyo kuwa kale ee taageerada siiya, si ay hoos ugu dhigto xiriirka kala dhaxeeya iyo garab istaaggooda Soomaaliya.

Wasiir Axmed Fiqi oo ay su'aallo weydiinayeen guddiga arrimaha dibadda ee Baarlamaanka, ayaa u sheegay, in Ethiopia ay u tagtay dalal badan oo saaxiib dhow la ah Soomaaliya, islamarkaasna ay kala hadashay in Soomaaliya aysan doonayn in ay kawada hadlaan khilaafka ka taagan heshiiska badda ee ay Somaliland ay la gashay.

“Waxay doonaysaa Ethiopia in Soomaaliya loo arko inay gardaran tahay oo ay wada hadalka diiddan tahay, kaddibna waddamaas inta ay dhex dhexaad noqdaan ay la laabtaan taageeradii ay siin lahaayeen Soomaaliya,” ayuu yiri wasiir Fiqi.

Wasiirka ayaa sheegay in Ethiopia ay fara galin ba’an ku hayso Soomaaliya arrimaheeda gudaha. Wuxuu sheegay inay Ethiopia  u wacanayso dowlad goboleedyada, ayna sidoo kale ciidamo ugu tababarayso xaduudaha dalka.

Fiqi wuxuu sidoo kale sheegay in aysan waxba ka jirin wararka sheegaya in Baasaboor ay leedahay Somaliland loogu safri karo waddamada kale, marka laga reebo dalka Ethiopia.