9/26/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, July 31, 2024
Tirada dagaalamayaasha Daacish ee ku sugan buuralayda Calmiskaad ee Puntland oo si weyn u korortay sanadkan

Arbaco, Luulyo, 31, 2024 (HOL) - In ka badan 800 ayaa lagu qiyaasay tirada dagalamayaasha Daacish ee ku sugan buuralayda Calmiskaad ee gobolka Bari, sida uu xaqiijiyay taliyihii ee Sirdoonka Puntland, Sarreeye Guuto Cabdi Xasan Xuseen (Cabdi Yare).

Wareysi uu siiyay barnaamijka Galka-Baarista ee VOA, ayuu Sarreeye Guuto Cabdi Yare ku sheegay, in tirada dagaalamaayasha Daacish ay kordheen boqolkiiba konton, isagoo u sababeeyay ajaanibta kasoo dagaalantay Bariga Dhexe, sida Siiriya, Ciraaq iyo Yemen in ay gabbaad usoo raadsadeen dhulka buuralayda gobolka Bari.

Taliyihii hore ee sirdoonka Puntland waxa uu  sheegay, is- ballaarinta Daacish in ay qeyb ka tahay qorshaha ISIS ay damacsan tahay, oo ah in ay usoo wareegaan gobolka Bari, halkaas oo ay aaminsan yihiin in mustaqbalka dhow ay ka samaysan karaan saldhigyo ay duullaan ka qaadaan.

Inta badan ajaanibta ku sugan gobolka Bari ee Daacish, ayaa lagu sheegay inay ka yimaadeen dalka Ethiopia, iyagoo u badan qowmiyadaha Oromada iyo Tigreera. Waxaa la sheegay in horjoogayaal ka tirsan Daacish oo kasoo jeeda Ethiopia ay kaalin weyn ku leeyihiin tirada Itoobiyaanka ku biiraya ururka Daacish.

Afhayeenka wasaaradda arrimaha dibadda ee dalka Ethiopia, Nebiyu Tedla, oo war qoraal ah u diray laanta Afka Soomaaliga ee VOA , ayaa wuxuu ku sheegay, in hay’adaha amniga dalkiisa ay si dhow ula socdaan dhallinyarada ka tagaysa Ethiopia ee ku biiraya Daacish.

Nebiyu Tedla waxa uu sheegay, in Ethiopia aysan haatan khatar weyn u arag arrintaasi, balse waxa uu sheegay in hay’adaha amniga ee dalkooda ay isku dayayaan inay carqaladeeyaan dhallinyarada lagusoo dumayo Daacish.

Daacish ayaa horraantii sanadkan Alshabaab ka saartay buuraha Calmiskaad, iyagoo sameeyay is ballaarintii ugu weynayd kaddib sagaal sano oo ay kooxdu farriisin ku lahayd gobolka Bari, oo ah halkii looga dhawaaqay dhaqdhaqaaqa Daacish ee Soomaaliya.

Sida uu sheegay Sarreeye Guuto Cabdi Yare, Hoggaamiyaha Daacish ee Soomaaliya, Cabdiqaadir Muumin, ayaa u sharraxan hoggaamiyaha guud ee kooxda Daacish.

La taliyaha amniga Qaranka, Xuseen Macallin, ayaa sheegay in dowladda Soomaaliya ay rumaysan tahay in awoodda Daacish ee degaanada Puntland ay kor u kacday. Waxa uu sheegay in aad ugu fududahay in ajaanibta caalamka kasoo dagaalantay ay halkaas isku urursadaan, inkastoo uu hoos u dhigay khatarta laga filan karo inay la yimaadaan, marka loo eego dhulka kooban ee ay kaga sugan yihiin Puntland.

Si kastaba ha ahaatee, maamulka Puntland weli kama uusan hadlin khatarta Daacish ee gobolka Bari. Mar sii horraysayna, taliyaha ciidanka Booliiska Puntland, Muumin Cabdi Shire ayaa sheegay in ay gacanta ku dhigeen dad badan oo Daacish katirsan, oo ah ku dhawaad dhowr iyo labaatan qof, kuwaas oo isugu jira Soomaali iyo Ajaanib.