7/27/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, July 25, 2024
Somaliland oo ka hadashay markab ay dhawaan Xuutiyiintu weerareen
 

Khamiis, Luulyo, 25, 2024 (HOL) - Somaliland ayaa ka hadashay markab alaab ku rogay Dekeda Berbera, oo ay weerar u gayasteen kooxaha Xuutiyiinta ee dalka Yemen.

Wasiirka Arrimaha Guddaha Somaliland Maxamed Kaahin Axmed oo waraysi siiyay Idaacada BBC Somali, ayaa sheegay in Xuutiyiintu ay markabka ku weerareen meel ka baxsan biyaha Somaliland.

"Markabkaasi waxa uu ku gooshaayay calanka dowlada Singabuur, markii la weeraray kumuu jirin mas'uuliyad badeedka Somaliland, xadkeena kuma jirin, marinka Baab Al Mandab ayuu marayay, markaa kadib ayuu usoo laabtay isaga oo dhaawacan" ayuu yidhi Wasiir Kaahin.

Markabkan oo dhawaan ay Xuutiyiintu u gaysteen burbur ayaa la sheegay in uu ka shiraacday Dekeda Berbera oo uu alaab ku rogay, kadibna muddo kadib ayuu Berbera dib ugu soo noqday kadib markii la weeraray.

Hadaba, warbaahinta qaar ayaa sheegaysa in markabku uu u rarnaa dalka Itoobiya, oo uu u siday shixnad alaab ah, inkasta oo anay xukuumada Somaliland caddayn cida uu alaabta u siday.

Weerarada Xuutiyiintu ay ku hayaan maraakiibta ganacsiga ee isticmaala biyaha Badda Cas ayaa kordhay bilihii lasoo dhaafay, iyada oo ay Somaliland caalamka ugu baaqday in layska kaashado ilaalinta ganacsiga Badda Cas.