7/27/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, July 25, 2024
Qaramada Midoobay oo ku ammaantay Puntland dhameystirka doorashada qof iyo cod
 

Khamiis, Luulyo, 25, 2024 (HOL) - Qaramada Midoobay ayaa ugu hambalyaysay shacabka Puntland sida nabada ah ee ay ugu qabsoontay doorashooyin hal qof iyo hal cod ah oo ka dhacay gobolka Nugaal gaar ahaan degmooyinka Garoowe, Dangoroyo iyo Godobjiiraan.

Warsaxaafadeed kasoo baxay UN-ka ayaa lagu sheegay khibradda Puntland ee doorashada tooska ah in ay kaalin ballaaran ka qaadan karto dimoqraadiyadda guud ahaan Soomaaliya.

Puntland ayaa noqotay dowlad goboleedkii ugu horreeyay ee Soomaaliya ee doorasho qof iyo cod ah ay ka dhacdo, gaar ahaan doorashooyinka golayaasha deegaanka ee dowladaha Hoose.

Qabsoomidda doorashadan ayay Puntland ku qaadatay muddo ka badan 20 sano ah, iyadoo dhowr jeer oo hore ay u fashilmeen carqalado amni oo lagala horyimid qabsoomidda doorashadan.

Qabashada doorashooyinkan ayaa ka dhigan in Puntland ay ka gudubtay caqabad weyn oo ahaa in laga gudbo nidaamkii qabaliga ah ee lagusoo xuli jiray xildhibaanada golayaasha deegaanka.