7/27/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, July 25, 2024
Golaha Wasiiradda oo Maanta meel mariyay heshiis is afgarad oo Xukuumaadu la gashay Imaaraadka Carabta
 

Khamiis, Luulyo, 25, 2024 (HOL) - Shirka Todobaadlaha ee Golaha Wasiiradda Xukuumadda Fedaraalka Soomaaliya ayaa lagu ansixiyay xisaab xirka hay'adaha dowladda ee sanad Maaliyadeedka 2023, kaasoo si faahfaahsan u qeexaya hanaanka loo isticmaalay iyo habraacyadii kala duwanaa ee uu soo maray xisaab xirka.

Kulanka ayaa waxaa shir guddoomiyay Raysal wasaaraha Xukuumadda Fedaraalka Soomaaliya Xamse Cabdi Barre, waxaana goobjoog ahaa ku xigeenkiisa iyo inta badan golaha wasiiradda.

Shirka khamiislaha ee golaha wasiiradda waxa sidoo kale lagu meel mariyey heshiis is afgarad ah ee u dhexeeya Wasaaradda Kaluumeysiga iyo Dhaqaalaha Buluugga ee Soomaaliya iyo Shirkadda Dekedaha ee Abu Dhabi Ports Group.

Waxaa sidoo kale shirka warbixin ku saabsan dagaal beeleedkii dhawaan ka dhacay degmada Luuq ee gobolka Gedo looga dhageystay Wasiiru Dowlaha Wasaaradda Deegaanka iyo Isbeddelka Cimilada oo ka mid ahaa wafdi u tagay Luuq xal u helida dagaal beeleedkii ka dhacay gudaha degmadaas, kaasoo dowladda Fedaraalka iyo dowlad goboleedka Jubbaland ay ku guulaysateen in wadahal lagu dhameeyo dhibkii dhacay.

Ugu dambeyntii Golaha Wasiiradda Soomaaliya ayaa kulankooda maanta bogaadiyay dagaalka lagu ciribtirayo kooxda Al-shabaab ee ka socda qaar ka mid ah gobolada dalka iyo guulaha ay ciidamadu kasoo hoyeen dagaaladii ugu dambeeyay.