7/27/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, July 25, 2024
Madaxweynaha Jubbaland oo ciidamada uga digay qorshe kale oo ay damacsan yihiin Al-shabaab
 

Khamiis, Luulyo, 25, 2024 (HOL) - Madaxweynaha dowlad goboleedka Jubbaland Axmed Maxamed Islaam, Axmed Madoobe ayaa booqasho ku tagay deegaanka Buulo Xaaji ee gobolka Jubbada Hoose oo dhawaan uu ka dhacay dagaal culus oo khasaare badan geystay.

Axmed Madoobe oo ciidamada ku sugan Buulo Xaaji kula hadlay goob fagaare ah ayaa ugu horeyn ku boggaadiyay guulaha ay ka gaareen weerarkii Al-shabaab kusoo qaaday Isniintii lasoo dhaafay deegaanka Buulo Xaaji, isagoona uga digay ciidanka weerar kale oo aargudasho ah oo ay kooxda soo qaadi karto.

“Al-Shabaab aargudasho ayey idinku imaan doonaan ee dadaalkiina sii laba laaba, Saraakiishii iyo Askartii jebiyeyna kuli waan dalacsiin, guusha lama sii daayo hadda waa guuleysanay sow maaha? maydkooda faraha badnaa ee Soomaali iyo Ajanabiba lahaa iyo dhaawacyadooda meel ay gaystaan ay waayeen si aynan u diyaar garoobin ayaan hada u diyaar garoobeynaa oo sidii ka xoog badan, sababtoo ah qofka marka uu u tun qabo ee aargudasho u socdo iyo marka uu caadi yahay ma isku mid baa” ayuu yiri madaxweynaha Jubbaland Axmed Madoobe.

Madaxweynaha Jubbaland ayaa sidoo kale goobta ku guddoonsiiyay bilad geesinimo Taliyaha guutada Birjeex ee ciidamada Darawiishta Jubbaland Gaashaanle Sare Cabdi Kaafi Dayib Axmed, abaanduulaha guutada Birjeex Gaashanle Sare Bashiir guhaad Xasan  iyo Gaashanle dhexe Axmed Cabdi Shafeec.

Waxaa sidoo kale Madaxweyne Axmed Madoobe uu min hal darajo dalacsiiyay dhamaan ciidamada guutada Birjeex ee Darawiishta Jubbaland oo laba maalin ka hor khasaare baaxad leh gaarsiiyay xubno ka tirsana Al-shabaab oo weerar kusoo qaaday deegaanka Buulo Xaaji, waxaana weerarkaas ay Jubbaland sheegtay iney ku dishay 135 ka mid ahaa Ururka Al-shabaab.