7/27/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, July 25, 2024
Booliiska gobolka Banaadir oo xiray nin ku eedeysan inuu isku ekeeysiiyay Dumar
 

Khamiis, Luulyo, 25, 2024 (HOL) - Ciidanka Booliiska qeybta guud ee gobolka Banaadir ayaa Saldhiga degmada Xamarweyne ee magaalada Muqdisho kusoo bandhigay nin ku eedeysan inuu ku kacay fal anshax daro ah.

Ninkaan lagu xiray Saldhiga Xamarweyne ayaa lagu magacaaba Axmed Suudi Macow Deeyow oo da'diisa lagu sheegay 30 sano, kaasoo ku eedeysan inuu ku kacay fal liddi ku ah dhaqan Soomaaliyeed, islamarkaana dooriyay jirkiisa iskuna ekeeysiiyay dumar.

“Waxaa ku socota baarista Boliiska waxaana la horgeyn doonaa Maxkamadda awooda u leh” ayaa lagu yiri qoraal ka soo baxay taliska ciidanka Booliska gobolka Banaadir.

Sawir ninkaan looga qaaday gudaha Saldhiga degmada Xamarweyne ayaa muujinaya inuu isku ekeysiiyey Dumar, isagoo xiran dharka haweenka, islamarkaana ay ka muuqdaan qaar ka mid ah caalamadaha dumarka.

Xariga ninkaan isku ekeysiiyay dumarka ayaa kusoo aadaya, iyadoo Booliiska Muqdisho ay mudooyinkaan dambe ku howlanaayeen soo xerista dadka ku eedeysan ama ku kaca falalka  anshax darada ah, waxaana dadkaas ku jira kuwa caan ka ah baraha bulshada caan ka ah, kuwaas oo qaarkood Maxkamad lasoo taagay, halka kuwa kalana ay yihiin Maxkamad sugayaal.