7/27/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, July 22, 2024
Dowladda Soomaaliya oo sheegtay in ka badan 80 Shabaab ah in lagu dilay weerarkii Buulo Xaaji iyo Sanguuni
 

Isniin, Luulyo, 22, 2024 (HOL) - Dowladda Soomaliya ayaa sheegtay in ka badan 80 xubnood oo katirsan Alshabaab in lagu dilay howlgal ka hortag ah oo ay ciidamada dowladda ka sameeyeen degaanada Buulo Xaaji, Sanguuni iyo Harboole oo katirsan gobolka Jubbada Hoose.

Dowladda waxay sheegtay in kooxda Alshabaab ay weerar naf la caari ah kusoo qaadday saldhigyada ciidamada dowladda ee halkaas kuyaalla, iyadoo sheegtay inay kala kulmeen jab xooggan.

Waxay dowladdu sheegtay in Alshabaab ka furatay hub fara badan oo isugu jiray qoryaha waawayn iyo kuwa fudud iyo sidoo kale rasaas.

Ma sheegin dowladdu khasaaraha ciidamada kasoo gaaray howlgalkan.

Dhawaan ayay ahayd markii Alshabaab laga xoreeyay degaanadan, iyadoo Jubbaland ay sheegtay in la isku furay waddada Kismaayo iyo Afmadow.