7/27/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, July 22, 2024
Askar katirsan ciidanka xoogga dalka oo sheegay in lagu xujeeyay inay la yimaadaan qoryihii ay dowladda ugu shaqayn lahaayeen
 

Isniin, Luulyo, 22, 2024 (HOL) - Askar katirsan ciidanka xoogga dalka Soomaaliya oo tababar ku qaadanaya kuliyadaha Jaalle Siyaad iyo Xero Nacnac, ayaa sheegay in lagu wargaliyay in ay beelahooda kala yimaadaan hubkooda.

Qaar kamid ah askartaan oo la hadlay warbaahinta ayaa u sheegay inay muddo labo bilood ah ku xaraysan yihiin labada xero. Waxay sheegeen taliyaha ciidanka lugta iyo ku xigeenkiisa inay u sheegeen, in askari kaste looga baahan yahay inuu la yimaado qoriga uu qaranka ugu shaqayn lahaa.

“Waxay nagu dhaheen muddo 10 beri ah ayaad haysataan, haddii aydan la imaanin halkaan ayaad ku xaraysnaanaysaan, maxaabiis ayaad tihiin. Daruuftaas ayaa ciidankaan haysata,” ayuu yiri askari kamid ah ciidankan oo la hadlay saxaafadda.

Askartan waxay sheegeen inay katirsan yihiin ciidanka qeybta 21-aad ee xoogga dalka Soomaaliyeed. Waxay tilmaameen in lagasoo saaray furimaha dagaalka, si ay tababar u qaataan.

Ma jirto cid ka hadashay cabashada ciidamadan. Waxayna cabashadooda kusoo aaday xilli dowladdu ay isku diyaarinayso dib u xoraynta degaanada Shabaabku haystaan ee Galmudug.