7/27/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, July 22, 2024
Ku dhawaad 100 xubnood oo Al-shabaab looga dilay dagaalo ka dhacay Jubbada Hoose
 

Isniin, Luulyo, 22, 2024 (HOL) - Wasiir ku xigeenka Wasaaradda Warfaafinta Xukuumadda Fedaraalka Soomaaliya Cabdiraxmaan Yuusuf Alcadaala ayaa faahfaahin hordhac ah ka bixiyay dagaal khasaare geystay oo saakay ka dhacay deegaanka Buulo Xaaji ee gobolka Jubbada Hoose.

Wasiir ku xigeenka ayaa sheegay in dagaalka saakay ka dhacay Buulo Xaaji jab xoogan lagu gaarsiiyay xubnahii Al-shabaab ee weerarka kula soo jarmaaday gudaha deegaanka Buulo Xaaji, islamarkaana meydad farabadan ay ka carareen.

"Hawlgalka Jubbada hoose, Maydadka Khawaarijtu ay ka carareen ayaa boqol ku dhaw walina geesiyaasha Qaranku uruurin ayay wadaan, war faahfaahsan ayaadna helidoontaan insha allaah" ayuu yiri Wasiir ku xigeenka Warfaafinta Soomaaliya Cabdiraxmaan Alcadaala.

Dhinaca kale saraakiil ka tirsan ciidanka Daraawiishta Jubbaland oo ka hadlay dagaal aroornimadii hore ee saakay ka dhacay deegaanka Harboole ee gobolka Jubbada Hoose ah ayaa sheegeen in Al-shabaab looga dilay dagaalka saakay 60 xubnood oo ka mid ahaa xubnahii weerarka soo qaaday.

Meydadka kooxda Al-shabaab ee looga dilay saakay weerarada ay ku qaaday Saldhigyada deegaanada Buulo Xaaji iyo Harboole ee gobolka Jubbada Hoose ayaa wararka hordhaca ah ay sheegayaan iney gaarayaan ku dhawaad 100 xubnood, waxaana sidoo kale weeraradaas looga furtay kooxda hub iyo saanad ciidan.

Ugu dambeyntii deegaanadaan uu weerarka ka dhacay saakay ayaa ah kuwa dhawaan ciidanka dowladda iyo kuwa Daraawiishta Jubbaland ay  la wareegeen.