7/27/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, July 22, 2024
Faahfaahino kasoo baxaya dagaal khasaare geystay oo ka dhacay gobolka Jubbada Hoose
 

Isniin, Luulyo, 22, 2024 (HOL) - Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya weerar xubno ka tirsan kooxda Al-shabaab ku qaaday aroornimadii hore ee saakay deegaanka Harboole oo ka mid ah deegaanada hoostaga degmada Afmadow ee gobolka Jubbada Hoose.

Weerarka ka dhacay deegaanka Harboole ayaa lasoo wariyay inuu ahaa mid aad u xoogan oo dhexmaray ciidanka dowladda oo kaashanaya kuwa Daraawiishta Jubbaland iyo xubno ka mid ah kooxda Al-shabaab oo weerarka ku qaaday Harboole.

Dagaalka aroornimadii hore ee saakay ka dhacay deegaanka Harboole ayaa lasoo warinaya inuu geystay khasaare isugu jira dhimasho iyo dhaawac kala gaaray labada dhinac, inkastoo uusan jirin war rasmi ah oo xaqiijinaya khasaaraha ka dhashay dagaalka inta uu dhan yahay.

War kooban oo kasoo baxay dowladda Fedaraalka ayaa lagu sheegay in ciidamada is garabsanaya ay ka hortageen weerarka kooxdu kusoo qaaday Saldhiga deegaanka Harboole, islamarkaana khasaaro xoogan la gaarsiiyay Al- shabaab.

"Geesiyaasha Ciidanka Xoogga Dalka ayaa saaka fashiliyay weerar fuleynimo ah oo ay Khawaarijtu ku dooneysay in ay ku qaadaan deegaanka Harboole ee Degmada Afmadoow ee Gobolka Jubbada Hoose. Khawaarijta ayaa halkaas lagu gaarsiiyay khasaare lixaad leh welina geesiyaasha Qaranka ay sii baacsanaya firxadka howdka ku cararay" ayaa lagu yiri war kasoo baxay dowladda.

Si kastaba ha ahaatee dagaalkaan saakay ka dhacay Jubbada Hoose ayaa imaanaya, iyadoo dhowrkii todobaad ee lasoo dhaafay ciidanka xoogga dalka iyo kuwa Daraawiishta Jubbaland ay kordhiyeen howlgalada ka dhanka ah kooxda Al-shabaab ee ku sugan deegaanada maamulkaas.