7/27/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, July 22, 2024
Maxaas : Nin dhalinyaro ah oo dil bareer ah u geystay Aabaha dhalay Xaaskiisa
 

Isniin, Luulyo, 22, 2024 (HOL) - Galinkii dambe ee shalay degmada Maxaas ee gobolka Hiiraan waxaa ka dhacay dhacdo ay si weyn uga argagaxeen dadka ku nool magaaladaas, kadib markii nin dhalinyaro aha uu ku dilay halkaas aabaha dhalay Xaaskiisa.

Aabaha la dilay oo ahaa shaqsi caan ka ahaa magaalada Maxaas iyo nawaaxigeeda ayaa lagu magacaabi jiray Cabdi Maxamuud Siyaad.

Ninka dilka u geystay aabaha dhalay xaaskiisa ayaa magaciisa lagu sheegay Cabdi Maxamed Xuseen Afweeyne, lamana soo warin sababta rasmiga ah ee ka dambeysa dilka uu u geystay ninkaan sodogiisa.

Dhacdaan waxaa si weyn u hadal haayo dadka ku nool degmada Maxaas oo si weyn arintan uga argagaxay, waxaana dilkaan uu qeyb la noqonaya dilalka naxdinta badan ee mudooyinkii dambe kusoo kordhaayay gudaha dalka.