7/2/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, July 2 , 2024
Musuq maasuq saamayn ku yeeshay waaxda caafimaadka Soomaaliya
 

Talaado, Luulyo, 2, 2024 (HOL) - Warbixin ay soo saartay hay'adda u Doodda Xuquuqda Aadanaha ee Amnesty, ayaa lagu sheegay, in ay sare u kaceen heerarka dhimashada carruurta iyo hooyada ee gudaha Soomaaliya, sidoo kale xarumaha caafimaadka ee dowladda oo aan qalabeysnayn, heerarka tallaalka oo hooseeya, iyo cudurrada ka dhasha biyaha ee soo noqnoqda.

Sida ay sheegtay hay'adda daah-furnaanta adduunka ee Transparency International, musuqmaasuqa ayaa saameyn weyn ku yeeshay waaxda caafimaadka Soomaaliya.

Dowladda Soomaaliya ayaa loogu baaqay in ay baarto si ay u ogaato sababta ka dambeysa maamul xumada caafimaadka, si  tallaabo sharci ah looga qaado kuwa mas'uulka ka ah musuq maasuqo mashariicda  caafimaadka ee dalka.

Amnesty ayaa ugu baaqday dowladda Soomaaliya in la daboolo dhammaan daldaloolada socodka maaliyadeed ee sharci darrada ah, si wax looga qabto  hoos u dhaca waaxda caafimaadka Soomaaliya.

“Waxaa hubaal ah in Soomaaliya ay wajaheyso caqabado amni iyo kuwo dowladnimo. Laakin Kharashaadka Ciidamada oo hadda ah 24% Miisaaniyadda, waa in aysan Soomaaliya ka hor istaagin in ay la jaan-qaado siyaasaddeeda caafimaad iyo baahideeda iyo qoondaynta miisaaniyadeed ee ku habboon. Tani waxay awood u siinaysaa waddanku inuu u hoggaansamo waajibaadkiisa dastuuriga ah iyo kuwa caalamiga ah si loo dammaanad qaado daryeel caafimaad oo la heli karo, la awoodi karo, oo tayo leh dadkiisa,” ayaa lagu yiri warbixinta Amnesty

Amnesty waxay ku boorisay dowladda Soomaaliya in 15% laga dhigo miisaaniyadda loogu talo galay caafimaadka, iyo in la hubiyo in musuqmaasuqu aanu wiiqin horumarka dalka ee dib u habeynta caafimaadka.