7/2/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, July 2 , 2024
Dab xooggan oo maanta ka kacay suuqa Ashawa ee magaalada Diridhabe
 

Talaado, Luulyo, 2, 2024 (HOL) - Wararka ka imaanaya magaalada Diri dhaba ayaa sheegaya in maanta uu dab xooggan ka kacay mid kamid ah suuqyada magaalada Diridhaba oo lagu magacaabo Suuq Ashawa, dabkan ayaa billaabmay subaxnimadii hore ee maanta waxaana uu si xowli leh ugu fiday meherado badan oo ku yaallay suuqaas isagoo keenay khasaare badan oo hantiyeed.

Meesha uu dabku ka billaabmay ayaa ahayd suuq kamid ah suuqaas oo lagu iibiyo dharka Huudhaydhka oo ku yaalla dixda ama togga Ashawa, wuxuuna dabku marba marka xiga ku fidayay meheradaha aaggaas ka dhow oo u badan kuwa lagu iibiyo weelka ama maacuunta, ilaa uu ka gaaro Xafiiska laga maamulo xaafadda 7aad ee Diridhabe iyo waliba meherado u dhaw Taywaanka magaalada Diridhabe.

Dab damiska magaalada Diridhabe iyo Shacabka magaalada oo iskaashanaya ayaa wada daminta dabkan, inkastoo sida wararku sheegayaan aysan dab damisku imaan ilaa dabku uu ka gaaray bangiyadii Dowladda iyo kuwii gaarka loo lahaa ee ku yaallay suuqan gubtay.

Laamida ka tagta suuqa Ashawa ee aada dhinaca Konel ama Magaala ayaa xidhan iyadoo hantidii laga soo badbaadinayay dabka ay wadhantahay laamida, sidoo kale sawaxan iyo buuq badan ayaa maanta ka jira guud ahaan xaafadaha Sheekh Xabiib, Baaburaxma iyo xaafadaha ka ag dhow suuqan gubtay.

Wali lama ogaan waxa keenay dabkan, sidoo kale Dowladduna kamaysan hadlin waxa dabkan keenay ama sababay, waxaa xusid mudan in suuqan uu ahaa mid saxmad badan, isla markaana dhismihiisu uu u badnaa jiingado kaliya marka la eego halka uu ka soo billaabmay oo ahayd goobo lagu iibiyo dharka Huudhaydhka ah.

Inta la xasuusan yahay waa markii koowaad ee suuqani gubto, inkastoo dhismaha suuqan oo u badan jiingado afka isa saaran laga filan karay inay khataro ka imaan karto haddana Dowladdu horey ugamaysan howl galin, si ay u yaraato khatarta ka imaan karta balse maanta ayaa si lama filaan ah dab uga kacay suuqan.

Guud ahaan waxaa maanta xidhan Adeeggii suuqa Ashawa iyo goobihii u dhawaaba, sidoo kale waxay Adeegga Korontadu ka maqan tahay Xaafadaha u dhaw suuqaas gubtay, walina sida wararkii u dambeeyay sheegayaan dabku wuu sii fidayaa lagumana guulaysan in gabi ahaanba la damiyo dabkan.