7/2/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, July 2 , 2024
Madaxweyne Xasan Sheekh oo ka hadlay waxa ka jira in dowladda wadahadal kula jirto Al-shabaab
 

Talaado, Luulyo, 2, 2024 (HOL) - Madaxweynaha dowladda Fedaraalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa ka hadlay wararka sheegaya in dowladda ay wadahal kula jirto kooxda Al-shabaab.

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa sheegay in waqtigaan la joogo dowladda aysan wax wadahal ah kula jirin Al-shabaab, islamarkaana ay suurtagal aheyn in kooxdaas oo mudo 15 sano ah dagaalka kula jirta dowladda la furaan wadahadal.

"Maalmahaan waxaa baraha bulshada qabsatay dowladdu waxay wadahadal la fureysaa Al-Shabaab, waxaan idiin cadeynaa Shabaab iyo anaga wax naga dhaxeeya ma jiraan. Hadii ay jiri lahaayeen waxyaabo aan dhihi karno sidaan ayaan rabnaa iyo waxaan ayaan idinka qaldan waa la hadli laheyn, waana hor fariisa laheyn" ayuu yiri madaxweyne Xasan Sheekh.

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa sidoo kale u cadeeyay dadka Soomaaliyeed iney arintaas ka shaki baxaan, islamarkaana dowladda aysan kaligeed go'aan qaadan doonin hadii ayba noqoto in Al-shabaab wadahadal la furto.

“Waxaan rabnaa Al-shabaab kuwa Soomaalida ahna iney u soo noqdaan dadkooda, dalkooda iyo dowladooda, kuwa aan Soomaalida ahayna iney na dhaafaan oo ay aadaan meelihii ay ka yimaadeen. Qofkii raba inuu ka soo noqdo fikirka Shabaab waxaan ku soo dhaweynaynaa gacmo furan waana muujisay dowladda Soomaaliya in ay gacmo furan ku soo dhaweynayso oo ay qaabilayso kuwa ka soo baxa” ayuu yiri madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud.

Hadalkaan kasoo yeeray madaxweynaha ayaa kusoo aadayo, iyadoo maalmahii lasoo dhaafay baraha bulshada ee Internet-ka si weyn looga dhex hadal hayay wadahadalo la sheegay inay u bilaabanayaan dowladda iyo Al-Shabaab.