7/2/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, July 2 , 2024
Baarlamaanka Jubbaland oo ansixiyay wax ka badalka qodobo xasaasi ah oo ka mid ahaa Dastuurka Maamulkaas
 

Talaado, Luulyo, 2, 2024 (HOL) - Baarlamaanka maamulka Jubbaland oo maanta magaalada Kismaayo ee xarunta gobolka Jubbada Hoose ku yeeshay kulan xasaasi ah oo ka mid ah Kalfadhiga 5-aad ee Golahaas ayaa u codeeyay wax ka badalka qodobo ka mid ah Dastuurka maamulkaas.

Baarlamaanka Jubbaland ayaa kulankooda qodobada ay wax ka badalka ku sameyeen waxaa ka mid ah qodobka 70-aad oo dhigayay in madaxweynaha maamulkaas uu isa soo sharixi karo laba jeer, waxaana Baarlamaanku ay maanta meesha ka saareen gabi ahaanba qodobkaas.

Si kastaba ha ahaatee qodobkaan ay meesha ka saareen Baarlamaanka Jubbaland ayaa aha mid caqabad gaar ah ku haayay madaxweynaha maamulka Jubbaland Axmed Maxamed Islaam inuu markale isu soo sharaxo xilka madaxweynaha maamulkaas.

Waxaa sidoo qodobada wax ka badalka lagu sameeyay ka md ah qodobka 65-aad oo laga dhigay in mudada xilheynta Madaxweynaha ay tahay shan sano, halka markii hore ay aheyd afar sano, iyadoo u tartamida Madaxweynaha ay tahay mid furan oo aan xadidneyn.

Ugu dambeyntii Baarlamaanka Jubbaland oo si gacan taag ah u codeeyay qodobadaas ayaa natiijada kasoo baxday fadhigooda waxaa warbaahinta la wadaagay guddoonka Baarlamaankaas oo sheegay in codka uu u batay in la aqbalo wax ka badalka qodobadaas.