7/2/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, July 2 , 2024
Itoobiya iyo Soomaaliya oo aan wax heshiis ah ku gaarin shirka uga furmay magaalada Ankara
 

Talaado, Luulyo, 2, 2024 (HOL) - Wajigii koowaad ee wada hadalada Soomaaliya iyo Ethiopia ayaa lagusoo gabagabeeyay magaalada Ankara ee dalka Turkiga, iyadoo aysan jirin qodobo heshiis looga gaaray khilaafka labada dal ee arrimaha badda.

Wasiirka arrimaha dibadda ee dalka Itoobiya Taye Aske Selassie iyo dhiggiisa Soomaaliya, Axmed Macallin Fiqi, ayaa isku afgartay in ay mar kale kulmaan magaalada Ankara, si ay u yeeshaan wajiga labaad ee wadahadallo dhexdhexaadin ah oo uu Turkiga garwadeen ka yahay.

Xogo laga helay shirka ayaa sheegaya, in Itoobiya ay diiday soo jeedinta Soomaaliya ee ah in Itoobiya ay joojiso heshiiska badda ee ay la gashay Somaliland.

"Wasiirradu waxay ku heshiiyeen inay ku kulmaan Ankara si ay u yeeshaan wareegga labaad ee wadahadalka 2-da Sebtembar 2024," ayuu yiri Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Turkiga Hakan Fidan oo shir jaraa'id qabtay ka dib wareegii 1aad ee wada hadalada oo shalay ka dhacay Ankara.

Qoraal ay soo saartay Wasaaradda Arrimaha Dibadda Turkiga, ayaa lagu yiri “Wasiirada Soomaaliya iyo Itoobiya waxay ku celceliyeen sida ay uga go’an tahay in si nabad ah lagu dhammeeyo khilaafaadka, waxayna muujiyeen sida ay uga mahad celinayaan fududeynta Turkiga, iyo sidoo kale wax qabadkeeda wax ku oolka ah.”

Sidoo kale, waxay iftiimisay in Itoobiya iyo Soomaaliya ay ku heshiiyeen in ay sii wadaan wada-hadallada socda, si loo xaqiijiyo xasilloonida gobolka.

Xiisadda labada dal ayaa ka bilaabatay markii Itoobiya ay Somaliland la saxeexatay January 1, 2024  heshiis is-afgarad ah kaas oo la og yahay in ay Itoobiya ka heli doonto dhul xeebeed 20 kiiloomitir ah, halka Itoobiya ay aqoonsi siinayso maamulka Somaliland.