7/15/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, July 14, 2024
Xeer ilaaliyaha guud ee Qaranka oo faray hay'adaha amniga inay jawaab ka keenaan weerarkii xabsiga dhex ee Xamar
 

Axad, Luulyo, 14, 2024 (HOL) - Xeer ilaaliyaha guud ee Soomaaliya ayaa faray hay’adaha dambi baarista inay jawaab ka keenaan sababta ay ku suurto gashay in gudaha xabsiga Muqdisho ay weerar ka geystaan maxaabiis  xukuman oo katirsanaa Alshabaab.

Dr. Saleebaan Maxamed Maxamuud ayaa sheegay inay tahay wax aan la filaynin in fal nuucaas ah uu ka dhaco xabsiga Muqdisho. Wuxuu sheegay waxa lagu qanci karo in ay yihiin in hay'adaha amnigu ay warbixin dhameystiran ka keenaan falkaan.

Xeer ilaaliyuhu wuxuu hadalkiisa kusii daray in lala xisaabtami doono kuwa masuuliyiinta ah ee ku lugta leh falkaan, isagoo sheegay in aan lagu jiri karin in mar kaste dhibaato nuucaan ah laga geysto xabsiga.

Ugu yaraan 8 qof oo ay ku jiraan 5 kamid ah maxaabiista Alshabaab ayaa ku geeriyooday is rasaasayn gudaha xabsiga ku dhexmartay ciidamada Asluubta iyo maxaabiista Alshabaab.

Maxaabiista Alshabaab ayaa si qarsoodi ah loogu geeyay hub iyo rasaas ay ku dagaalamaaan si ay ugu suurto gasho inay baxsadaan.