7/15/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, July 14, 2024
Dowladda Fedaraalka oo ka jawaabtay soo jeedintii Lataliyahii Amniga ee Farmaajo
 

Axad, Luulyo, 14, 2024 (HOL) - Wasiirka Wasaaradda arrimaha dibadda Xukuumadda Fedaraalka Soomaaliya Axmed Macalin Fiqi ayaa si adag uga jawaab celiyay hadal dhawaan kasoo yeeray Lataliyahii amniga Qaranka ee madaxweyne Farmaajo, kaasoo ahaa in dowladda hadii aysan iska dhicin karin Itoobiya iney u baneeyso Al-shabaab.

Wasiirka Fiqi ayaa qoraal uu bartiisa X ku daabacay ku sheegay in Cabdisaciid Muuse Cali oo ahaa Lataliyahii amniga ee madaxweyne Farmaajo hadalkiisa uu ahaa mid muuqdo inuu caadi ka dhigayo fikirka xagjirka ah ee kooxda Al-shabaab.

“Waxaan la socdaa hadal uu dhawaan wasiir hore Cabdisaciid ku sheegay waraysi uu siiyey BBC Somali, Anigoo ixtiraamaya xoriyatul qawlka, hadalka soo jeedinaya tanaasulka qaranimada Soomaaliya ama caadi ka dhigista fikradda ah in Al-Shabaab la aamini karo waa dhibaato qoto dheer oo aan la aqbali karin" ayuu yiri Wasiirka arrimaha dibadda Axmed Macalin Fiqi.

Hadalka kasoo yeeray Lataliyihii hore ee Madaxweyne Farmaajo ayaa dhowrkii maalmood ee lasoo dhaafay si weyn u qabsaday baraha bulshada, kadib falcelin xoogan oo ka dhalatay soo jeedinti Cabdisaciid Muuse oo aheyd in dowladda hada jirta iska dhicin karin Itoobiya ayna tahay in meesha u baneeyaan kooxda Al-shabaab si ay Itoobiya isaga dhiciyaan.

Gabagabadii soo jeedinta Lataliyahii hore ee madaxweyne Farmaajo waxa sidoo kale nasiib daro weyn ku tilmaamay Siyaasiyiin iyo dad badan oo Soomaaliyeed.