7/15/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, July 14, 2024
Askari Xaaskiisii hore iyo Hooyadeed ku dilay gudaha magaalada Muqdisho
 

Axad, Luulyo, 14, 2024 (HOL) - Wararka ka imaanaya degmada Kaaraan ee magaalada Muqdisho ayaa sheegaya in Xalay Xaafad ka tirsan degmadaas ay ka dhacday dhacdo si weyn uga aragagaxeen dadka ku nool degmadaas, kadib markii nin askari ahaa uu dil u geystay xaaskiisi hore iyo hooyadeed.

Ninka askariga ah ee dilay Xaaskiisii hore iyo Hooyadeed ayaa magaciisa lagu soo koobay Shariifoow, kaasoo la sheegay inuu ka mid aha askarta dowladda hoose ee Xamar.

Goobjoogayaal la hadlay warbaahinta ayaa sheegeen in ninkaan oo ku hubeysnaa qori Ak47 uu tagay guriga ay daganeed Xaaskiisii hore oo la sheegay in dhawaan la aroosay, islamarkaana uu toogasho ku dilay xaaskiisii hore oo magaceeda lagu sheegay Nasteexo Nuur Dable iyo Hooyadeed oo lagu magacaabo Muslimo Macalin.

Ninkaan dilay xaaskii ay horay u kala tageen iyo sodohdiisii ayaa dilka kadib si deg deg ah uga baxsaday goobta, mana jirto ilaa hada wax war ah oo kasoo baxay dhanka laamaha amaanka iyo maamulka degmada Kaaraan oo ku aadan dhacdaan naxdinta badan.

Qof ka mid ah ehelka gabadhada ayaa sheegay in ninka dilka geystay uu dhowr jeer oo hore ka dalbaday xaaskiisii hore iney isku laabtaan balse ay iska diiday, islamarkaana uu marar badan ugu soo hanjabi jiray inuu dili doono.

Ugu dambeyntii falalkaan dilka ah ee salka ku haya maseyr dartiis ayaa qeyb ka noqonaya dilalka argagaxa badan ee ka dhex dhaca dadka isku qoyska ah oo muddooyinkii dambe  kusoo badanaayay magaalada Muqdisho iyo qaar kamid ah gobolada dalka.