7/15/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, July 14, 2024
Madaxweynahii hore ee dalka Mareykanka Donald Trump oo toogasho lagu dhaawacay
 

Axad, Luulyo, 14, 2024 (HOL) - Madaxweynahii hore ee dalka Mareykanka Donald Trump ayaa ka badbaaday isku day lagu doonayay in lagu dilo, waxaana dhaawac fudud uu kasoo gaaray Trump dhagtiisa midig.

Laamaha amaanka dalkaas ayaa warbaahinta u xaqiijiyay in la toogtay qofka fuliyay weerarkaas lagu khaarajin rabay madaxweynahii 45-aad dalka Mareykanka.

Muqaalo lagu baahiyay baraha bulshada ayaa muujinaayay ciidamada sida gaarka ah u tababaran oo isku gedaamay Donald Trump, kuwaas oo ka kaxeeyay goobta uu ka khudbeynaayay oo mar qura isku badashay kala carar iyo isku dhex yaac xoogan.

“Madaxweyne Trump wuxuu uga mahad celinayaa Booliska iyo gurmadka deg dega ah ficilka deg dega ah ee ay qaadeen intii uu socday falkan foosha xun, wuu fiican yahay, waxaana lagu baarayaa xarun caafimaad oo deegaanka ah. Faahfaahin dheeraad ah ayaan bixin doonnaa” ayuu lagu yiri bayaan uu soo saaray Afhayeenka Trump Steven Cheung.

Madaxweyne talada haya ee dalka Mareykanka Joe Biden ayaa si adag u cambaareeyay weerarka lagu dhaawacay madaxweynahii ka horeeyay ee dalkaas Donald Trump.

“Qof walba waa inuu cambaareeyaa weerarka Rabshadaha noocan ah meelna kuma lahan Ameerika oo waa wax xun" ayuu yiri Madaxweyne Biden.

Isku daygaan dilka ah uu ka badbaaday Donald Trump ayaa xaalada sii adkeysay waxaana durba socda feejignaan dheeraad ah oo la xiriirta dhacdadaan oo kale, waxaana arintaan ay keeni doonta in musharaxiinta meelaha qaar ay geysan doonaan ciidan ka badan kuwa haatan ay haystaan si looga ilaaliyo dhacdo la mid ah tan lagu dhaawacay madaxweynahii hore ee dalkaas Donald Trump.