7/15/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, July 14, 2024
Dad Soomaali ah oo lagu laayay magaalada Awash ee Degaanka Canfarta
 

Axad, Luulyo, 14, 2024 (HOL) - Wararka ka imaanaya Dowlad Degaanka Soomaalida ayaa sheegaya in dad Soomaali ah lagu dilay magaalada Awash oo ka tirsan Dowlad Degaanka Canfarta, dadkan ayaa lagala dagay bas ay saarnaayeen oo xilligaa usocday dhinaca Addis Ababa iyagoo ka tagay dhinaca Dowlad Degaanka Soomaalida.

Dadkan la laayay oo u badan Rag ayaa sida wararku sheegayaan waxaa dilkooda ka dambeeyay koox hubaysan oo ka tirsan maamulka Canfarta, iyadoo dadkan la laayay qaarkood ay ahaayeen ganacsato caan ka ah Dowlad Degaanka Soomaalida, sida laga soo xigtay dad xogagaal ah oo la soo xidhiidhay Warbaahinta.

Magacyada dadkan la laayay ayaa lagu kala sheegay, Khadar Cilmi Cige iyo Mowliid Maxamed Cabdi. Halka Ismaaciil Muxumed Muuse, Siciid Muxumed Muuse iyo Cali Xuseen Jaamac ay yihiin Dhaawac, waxa kale oo dhaawaca ka mid ah dad kale oo aanan helin magacyadooda, sida wararku sheegayaan baska yar ee dadkan lagala dagay 7 qof ayay Soomaali ku saarnaayeen waxayna marayeen jidka laamida ah ee dhexmara magaalada Awash ee Degaanka Canfarta.

Dhinaca kale dadka degaanka Soomaalida ayaa digniino kala duwan usoo jeediyay dadka Soomaaliyeed ee inta badan ku safra dhinaca dhulka, kuwaas oo u kala socdaala Addis Ababa iyo Dowlad Degaanka Soomaalida maadaama jidka dheer ee isku xira Jigjiga iyo Addis Ababa uu sii dhex maro Awash oo ka tirsan Degaanka Canfarta ayna u badan tahay in Canfartu kala dagaan Soomaalida saaran gaadiidka maraya jidkaas.

Dhacdadan ayaa kusoo hagaagaysa xilli wali ay kacsan tahay colaadda soo jiitantay ee u dhaxaysa Soomaalida iyo Canfarta wada dega dalka Itoobiya, ilaa iyo hadda ma jirto xal nabadeed oo waara oo la kala dhex dhigay Soomaalida iyo Canfarta iyadoo labada degaan aysan wax war ah ka soosaarin dhiigga badan ee ku daadanayay collaaddan, dhinaca Dowladda dhexe ee Itoobiyana wali kamaysan hadlin xiisaddan dib uga soo cusboonaatay dagaallada u dhaxeeya Soomaalida iyo Canfarta.

Dadka Soomaaliyeed ee ka tagaya dhinaca Jigjiga una socda magaalada Addis Ababa ayaa lagula talinayaa inay ku safraan dhinaca hawada, waxaa kale oo jirta dadka ka baxaya dhinaca Diridhaba  ee usocda Addis Ababa in iyaguna ay hawada mari karaan, ama ay raaci karaan Tareenka oo inta badan dhex mara dhul kamid ah Dowlad Degaanka Soomaalida.