7/2/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, July 1 , 2024
Madaxweynaha Jubbaland oo ka hadlay qorshaha dalka uga baxayaan ciidanka ATMIS
 

Isniin, Luulyo, 1, 2024 (HOL) - Madaxweynaha maamulka Jubbaland Axmed Maxamed Islaam, Axmed Madoobe ayaa si faahfaahsan uga hadlay qorshaha ciidamada ATMIS ay dalka uga baxayaan dhamaadka sanadkaan.

Axmed Madoobe ayaa ugu horeyn sheegay inuu soo dhaweynayo qorshaha iyo jadwalka ciidamada ATMIS ay uga baxayaan dalka, islamarkaana ciidanka xoogga dalka kula wareegayaan goobaha ay ka baxayaan.

“Waxaan ku talinayaa ciidamada ATMIS oo horay loo oran jiray AMISOM oo ku baxaya jadwal qorsheysan inay tijaabo u tahay ciidanka Soomaaliyeed iyo dowladda Soomaaliyeed oo aan u diyaar garowno ATMIS dhulka ay ajendaha iyo jadwalka kaga baxayso inaan la wareegno” ayuu yiri madaxweynaha maamulka Jubbaland Axmed Madoobe.

Madaxweynaha Jubbaland ayaa sidoo kale sheegay iney u muuqato diyaar garow la’aan dhanka dowlada iyo ciidanka Soomaaliya oo la xariirta sidii ATMIS ugala wareegi lahayeen amniga dalka, isagoona xusay in qorshaha bixista ATMIS uu yahay tijaabo dowladda laga qaadayo.

“Arrintan waa jadwaleysan tahay waa qorshe waxna laga waydiin maayo waa baxayaan jadwal ayayna ku socdaan, anaga diyaar garowgeena wuu liitaa, waana tijaabo, fashilka ka yimaadaa waa mid Xukuumadda taabanaya iyo ciidanka Soomaaliya” ayuu yiri Madaxweynaha Jubbaland Axmed Madoobe.

Hadalkaan kasoo yeeray Axmed Madoobe ayaa imaanaya, iyadoo maalin ka hor ciidamada ATMIS ay wareejiyeen saldhig ay ku lahaayeen deegaanka Cabdale Biroole ee gobolka Jubbada Hoose, kaasoo lagu wareejiyay ciidanka Xoogga dalka Soomaaliya oo kaashanaya kuwa Daraawiishata Jubbaland.

Howlgalka Midowga Afrika ee ATMIS ayaa horay u wareejiyay dhowr Saldhig oo ku kala yaala deegaano ka kala tirsan maamulada Hirshabelle, Koonfur Galbeed iyo Jubbaland, waxaana haatan ka howlgala Saldhigyadaas ATMIS wareejisay ciidamada Xoogga dalka.