7/2/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, July 1 , 2024
Wararkii ugu dambeeyay khasaaraha ka dhashay qarax Ismiidaamin ahaa oo Baledweyne ka dhacay
 

Isniin, Luulyo, 1, 2024 (HOL) - Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya khasaaraha ka dhashay qarax Ismiidaamin aha oo galinkii dambe ee Shalay ka dhacay bar koontarool oo ku taala xaafada Howlwadaag ee magaalada Baledweyne.

Qaraxaan ayaa ahaa mid loo adeegsaday gaari laga soo buuxiyay waxyaabaha qarxa oo Soomalidu u taqaano noociisa Homey ama Caasi, waxaana la xaqiijiyay iney ku dhinteen ilaa 5 ruux oo isugu jira askar iyo dad shacab ah.

Barta koontarool ee qaraxaan Ismiidaaminta ah uu ka dhacay ayaa ku taala afaafka hore ee Xero ciidan oo halkaas ay ku lahayeen mudo ku dhaw 10 sano ciidanka Jabuuti ee qeybta ka ah howlgalka midowga Afrika ee ATMIS, kuwaas oo Shalay galinkii hore ka guuray xeradaas oo ay kala wareegeen ciidanka dowladda.

Dadka ku dhaawacmay qaraxaas ayaa la sheegay iney gaarayaan 10 ruux oo isugu jira shacab iyo ciidan, waxaana dhaawacyadaas intooda badan la geeyay Isbitaalka guud ee magaalada Baledweyne oo lagula tacaalayo xaaladooda caafimaad.

Qaraxaan Ismiidaaminta ah ayaa kuso aadaya, iyoo dhowrkii bilood ee lasoo dhaafay Baledweyne ka caaganeyd qaraxyada noocaan oo kale ah oo ay kooxda Al-shabaab ka geysato gudaha magaalada Baledweyne.