7/2/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, July 1 , 2024
Dowlada Jabuuti oo beenisay in ay martigalinayso jabhad kasoo horjeeda Somaliland
 

Isniin, Luulyo, 1, 2024 (HOL) - Dowlada Jabuuti ayaa eedayn aan raadlahayn ku tilmaantay hadalkii uu Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi ku sheegay in Jabuuti ay martigalinayso jabhad kasoo horjeeda Somaliland.

Wasiirka Maaliyada Jabuuti Ilyaas Muuse Dawaale, ayaa qoraal kuu ku baahiyay bartiisa X hadalka Madaxweyne Biixi ku tilmaamay mid aan raadlahayn.

"Waxan ka xumahay eedaynta aan raadka lahayn ee nooga timid madaxda Somaliland, Jabuuti waa goob u taagan wadajirka iyo is dhexgalka gobolka, waa barada nabada gobolka, wax kale kama shaqayno" ayuu yidhi Ilyaas Muuse Dawaale.

Waxa uu sheegay in Jabuuti ay waligeed ahaan doonto meel gobolka isku haysa oo aan kala qaybin, isla markaana anay waligood dhexgali doonin arrimaha guddaha ee jaarkooda.

"Sida darteed fadlad Jabuuti ha dhexgalinina siyaasadihiina guddaha ama ajendayaashiina, xasuuso shalay waxa nalagu eedeeyay in aanu Somaliland gacan ka siinay dagaalkii gobolka SSC" ayuu yidhi.

Marka laga yimaado diidmada Dawaale, madaxda dhaqdhaqaaqa Awdal State ayaa ku sugan caasimada Jabuuti, iyaga oo hanjabaado usoo diraya Somaliland, isla markaana xaflad ayay ku qabsadeen Jabuuti xalay.

Xidhiidhka Somaliland iyo Jabuuti ayaa xumaaday kadib markii ay Somaliland iyo Itoobiya wadagaaleen heshiis dhinaca badda ah, iyada oo ay Jabuuti heshiiskaas u aragtay khatar dhaqaale.