7/2/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, July 1 , 2024
Soomaalida iyo Canfarta oo wali ku dagaallamadaya degaanno ka tirsan Gobolka Siti ee Dowlad Degaanka Soomaalida
 

Isniin, Luulyo, 1, 2024 (HOL) - Wararka ka imaanaya Dowlad Degaanka Soomaalida ayaa sheegaya in uu maanta dagaal culus oo u dhaxeeya Soomaalida iyo Canfarta uu ka socdo degaanno hoos yimaadda gobolka Siti ee Degaanka Soomaalida.

Meelaha uu sida gaarka ah dagaalka maanta uga socdo ayaa ah magaalada Garbaciise iyo meelo u dhaw magaaladaas oo Canfartu horey saldhigyo ciidan ugu lahaayeen kuwaas oo la sheegayo inay gacan ku hayntooda ay la wareegeen Soomaalidu.

Dhinaca kale dhowr saldhig oo ay Ciidamada Canfartu ku lahaayeen goobta lagu magacaabo Madax-riyaad ayaa la sheegayaa inay la wareegeen Ciidamada Dowlad Degaanka Soomaalida, saldhigyada lala wareegay waxaa muddooyinkii u dambeeysay gacanta ku hayn jirtay Ciidamada Canfarta.

Maalmihii la soo dhaafay waxay dagaallo aan kala joogsi lahayn oo u dhaxeeya Soomaalida iyo Canfarta ka socdeen degaanno ku yaal gobolka Siti ee Dowlad Degaanka Soomaalida, kuwaas oo horey siyaabo kala duwan loo hoos geeyay Degaanka Canfarta, balse dagaalladan maalmahan aaggaas ka soo cusboonaaday ayay Soomaalidu inta badan la soo wareegeen dhulkaas.

Majiraan warar madax banaan oo xaqiijinaya khasaaraha dhabta ah ee ka dhashay dagaalladan, Soomaalida ayaa sheeganaya inay guulo waawayn ka gaareen dagaalladan, halka dhinaca Canfartuna ay sheegayaan inay dhankooda guulo gaareen, balse Warbaahinta madaxa banaan ma xaqiijin karto sheegashada guulaha ee labada dhinac waa Soomaalida iyo Canfarta.

Dhinaca Dowladda dhexe ee Itoobiya kamaysan hadlin dagaalladan u dhaxeeya Soomaalida iyo Canfarta, sidoo kale Xukuumadaha labada dhinac iyaguna kamaysan hadlin dagaalladan, waana markii u horreysay ee wakhti intaa dhan la isku daawado dirirta u dhaxaysa Soomaalida iyo Canfarta oo wada daga dalka Itoobiya isla markaana xuduud wadaagga.