7/2/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, July 1 , 2024
Qoor Qoor: Dad dano siyaasadeed wata ayaa hurinaya colaadda beelaha Puntland iyo Galmudug
 

Isniin, Luulyo, 1, 2024 (HOL) - Madaxweynaha Galmudug Axmed Cabdikaariye Qoor Qoor ayaa ku eedeeyay kooxo dano siyaasadeed wata inay ka dambeeyaan hurinta dagaaladii maalmahan gobolka Mudug ku dhex marayay maleyshiyo beeleed kasoo kala jeeda Puntland iyo Galmudug.

Madaxweynaha Galmudug waxa uu sheegay dadka siyaasadda ka dhex raadinaya colaadda beelaha walaalaha ah, in ay ka darran yihiin sida uu sheegay, dhibaatada Shabaab ku hayaan bulshada, wuxuuna sheegay in loo baahan yahay in la iska xorreeyo.

“Labo dhibaato ayaa dhex jirta dadka. Kow, cadowga argigixisada oo isku hurinaya ummaddeena, labo, wax magac siyaasiyiin sheeganaya oo aan ilaaheey ka cabsanayn oo ummaddii isku diraya,” ayuu yiri madaxweyne Qoor Qoor.

Madaxweyne Qoor Qoor ayaa dhinaca kale soo dhoweeyay dadaalada xabbad joojinta ee ay iska kaashadeen culimada iyo guddiyadii labada maamul ka socday ee tagay deegaanada dirirta ka dhacday, si ay u kala qaadaan maleyshiyaadka dagaalamaya.

Qoor Qoor wuxuu sheegay Puntland iyo Galmudug in ay iska kaashan doonaan sidii colaaddaas lagu dhamayn lahaa, si loo baajiyo dhiigga macno darrada ku daadanaya.