7/3/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Jan 7 , 2024
Wasiirkii Gaashaandhiga Somaliland oo ku dhawaaqay in uu isku casilay heshiiska Itoobiya iyo Somaliland awgii
 

Axad, January, 7, 2024 (HOL) - Wasiirkii Gaashaandhiga Somaliland Cabdiqani Maxamuud Caateeye, ayaa ku dhawaaqay in uu iska casilay jagadii wasiirnimo kadib markii uu ka hor yimid heshiiska Somaliland iyo Itoobiya.

Wasiirka oo waraysi gaar ah siiyay Horyaal TV ayaa yidhi  "Waxaan isku casilay in madaxweynuhu uu 20 kilomitir oo badeena ah uu siinayo Xabashida aniguna ra'yi ahaantayda waan kasoo horjeedaa, madaama oo dhul horena inagaga maqnaa Xabashida, cadawga kowaad ee Soomaaliduna in ay Itoobiyaan tahay mid yar iyo mid wayniba wuu ogyahay".

Waxa uu sheegay in madaxweynaha ay maanta kulmeen, isla markaana uu u sheegay in aanu aaminsanayn in ay haboontahay in ciidan Itoobiyaan ahi dhulka Somaliland yimaado, taasi oo ay madaxweynaha isku fikir ka noqon waayen, sidaana uu isku casilay.

Waxa uu sheegay in dhulka Lughaya ee la sheegay in saldhiga Itoobiya laga dhisayo ay dagto beeshiisu deegaan ahaan, isaguna uu deegaankiisa kala fikiryahay amaanshaha Itoobiya, ee bada Somaliland, taasna ay madaxweynaha isku diideen.

Wasiirku waxa kale oo uu shaki galiyay kirada badda isaga oo sheegay in Abiye Axmed uu doonayo bad uu qaato lakiin aanu doonayn bad uu kiraysto, oo uu lahaado, sida uu xusay.

Heshiiska ayaa gudaha Somaliland ka kiciyay mudaharaado qaarna lagu taageerayo qaarna lagaga soo horjeedo, iyada oo dadka qaarna ay taageersanyihiin dadka qaarna ay ka muujinayaan shaki.

Dhinaca kale dowlada Soomaaliya ayaa si wayn u diiday heshiiska labada dhinac, iyada oo ku tilmaantay madaxbannanidii Soomaaliya oo lagu xadgudbay.