7/3/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Jan 7 , 2024
Maxkamadda Ciidamada Qalabka Sida oo Maanta xukuno kala duwan ku riday Koox ka tirsan Al-shabaab
 

Axad, January, 7, 2024 (HOL) - Maxkamadda sare ee ciidamada qalabka sida ee Soomaaliya ayaa maanta mar kale xukuno kala duwan ku riday Koox loo haystay falal Argagixisanimo oo la tilmaamay iney kasoo wada shaqeeyeen dilal qorshaysan iyo dhacdooyin kale oo Arbushaad ah.

Kooxdaan ayaa la sheegay in isku day ay ka sameeyeen 17-kii September Sanadkii 2022 jid mareexaan oo ku yaala degmada Howlwadaag, hayeshee ay ku fashilmeen, islamarkaana si  sahalan ay ciidamada aan muuqan ee Nabad Sugidda ay gacanta ku soo dhigeen.

Kooxdaan oo ka kooban sideed ruux ayaa lagu sheegay magacooda Jugta culus, kuwaas oo isticmaali jiray hubka kala ah RBG, F1, AK-47, iyagoo isugu jiray madax Maaliyadeed, madax Caafimaad, Bajaajyo iyo gaari raaxo.

Xubnaha kooxdaan ayaa qaarkood gacanta lagu dhigay iyagoo ku howlan dhibaateynta dad shacab ah, halka kuwa kalana laga soo qabtay guryo qarsoon oo ay kooxdu ku lahayd Muqdisho sida Gubta, Xaawa Cabdi, Oodweyne, Alxayaat Ceelasha, Ciise Cabdi iyo Cali Turcaaye.

Fadhiyo kala duwan kadib Maxkamadda Darajada koowaad ee ciidamada ayaa xukuno kala duwan ka soo saartay kiisaskan, Toban iyo Todobadii Decmber Sanadkii 2022 iyo Kowdii bishii July ee Sanadkii 2023, waxaana Xafiiska Xeer ilaalinta iyo ehelada Marxuum Maxamed Xaashi Faarax ay cod sadeen Racfaan iyo in la mideeyo kiisaska maadaama ay Maxakamda Darajada koowaad laba mar ay u fadhiisatay.

Ugu dambeyn Maxkamadda sare oo waqti ku filan siisay dhinacyada dacwadda ayaa ugu maanta xukun ka soo saartay kiiska kooxdaan lagu magacaabo Jugta culus ayaa u dhacay sida hoos ku xusan oo uu ku dhawaaqay guddoomiyaha Maxkamadda Sare ee ciidamadda qalabka sida Jenaraal Liibaan Cali Yaroow.

 1. Cabdi Naasir Cusmaan Nuunow Maama iyo 2. Maxamed Daahir Abuukar (Ismaaciil) oo ahaa horjoogaha kooxdan ayaa isna laamaha amniga u soo gacan galay Feberuary 8dii 2023 aye Maxkamada Maxkamada Sare ee Ciidamada ku xukuntay Xukun Dil ah oo ah Qisaasta Marxuum Maxamed Xaanshi Faarax oo ku geeriyooday Weerar Arbushaad ah oo uu ka sameeyay Macaani gaari Taraafiko ah oo Jiidayay Bajaaj Shil ku Gashay Ceelasha September 7-deedii sanadkii 2022 balse dhaawacaasi uu u geeriyooday 20-kii October Sanadkii 2023 .

3. Xasan Cali Xuseen Ibraahim ayaa isna lagu Xukumay Xukun Dil ah oo ah Qisaasta Marxuum Cabdiraxmaan Cabduqaadir Cabdi Axmed oo ka tirsanaa Military-ga 18 June Sanadkii 2023, waxaana xukunsanaha dhaawac dhabarka ah ka soo gaaray Xabado iska caabin ah oo uu riday Marxuumka ka hor inta uusan Geeriyoon.

4. Caddow Axmed Calasow ayaa isna lagu xukumay 4 sano oo Xabsi ciidan ah.

5. Cabdiweli Sheikh Mukhtar Maxamuud ayaa isagana lagu xukumay 8 Sano oo Xabsi Ciidan, waxa ayna ahaayeen Madaxa Gaadiidka kooxda iyo Kan Caafimaadka.

6. Ibraahim Cabdullaahi Maxamed Xuseen oo lacag ka badan sedax kun dhex martay oo uu ku dabiibay xukunsaha labaad ayaa lagu xukumay 5 Sano oo xabsi Ciidan ah.

7. Cabdullaahi Sheikh Mohamed Hilowle oo ahaa Furaha hayaha Guryaha qarsoon ee kooxda iyo marti geliyaha maleeshiyaadka ka soo dhaawacmo shabaab ayaa lagu xukumay 3 Sano oo Xabsi Ciidan ah.

8. Saynab Ibraahim Aadan Xuseen ayaa laamaha Aniga u soo gacan gashay January 13dii 2023 waxayna ahyd keed hayaha Hubka kooxdaan waxa ayana Maxkamadda Sare ku xukuntay 8 Sano oo xabsi ciidan ah.