7/3/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Jan 7 , 2024
Xildhibaanada iyo Wasiiradda kasoo jeeda gobolada Waqooyi oo si adag uga horyimid damaca Itoobiya
 

Axad, January, 7, 2024 (HOL) - Wasiiradda iyo Xildhibaanada labada Aqal ee Baarlamaanka Fedaraalka Soomaaliya ee kasoo jeeda gobolka Awdal ayaa maanta kulan ay ku yeesheen magaalada Muqdisho si adag uga horyimid damaca dowladda Itoobiya ku dooneyso iney hesho qeyb ka mid ah biyaha Soomaaliya.

Wasiiradda iyo Xildhibaanada ayaa ugu horeyn amaan iyo bogaadin u jeediyay shacabka gobolada Waqooyi, gaar ahaan reer Awdal oo ka horyimid heshiiska Somaliland la gashay dowladda Itoobiya.

"Dhulka Soomaaliya taako ka mid ah cid bixin karta ma jirto ee waxaan leyahay dadka gobolada Waqooyi ha qaadanina damaca guracan ee dowladda Itoobiya ee ku dooneyso iney ku qaadato qeyb ka mid ah dhul Soomaaliyeed" ayuu yiri Wasiir Xagaa oo kulanka kadib warbaahinta la hadlay.

Wasiiradda iyo Xildhibaanada ayaa ugu baaqay dhamaan Shacabka Soomaaliyeed si gaar ah kuwa ku nool gobolada Waqooyi iney u midoobaan difaaca dhulkooda iyo Baddooda oo aysan jirin cid si gaar ah u bixin karta.

Kulankaan ayaa kusoo beegmaya, iyadoo bilowgii bishaan magaalada Adis Ababa ay heshiis ku wada galeen madaxweynaha Somaliland iyo Raysal wasaaraha Itoobiya, kaasoo la xariiray in Itoobiya ay bad ka hesho Soomaaliya, halka Somaliland ay Itoobiya u aqoonsan doono dowlad madax banaan.