7/3/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Jan 7 , 2024
Guddoonka baarlamaanka oo qabtay mooshin ka dhan ah heshiisyadii amni ee lala galay Itoobiya iyo Imaaraatka

Axad, January, 7, 2024 (HOL) - Xildhibaano katirsan baarlamaanka Soomaaliya ayaa gudbiyay mooshin ka dhan ah heshiisyadii iskaashiga amniga oo ay kala saxiixdeen Soomaaliya iyo Itoobiya iyo Imaaraatka Carabta

Guddoonka baarlamaanka ayaa qabtay mooshinkaan, sida lagu sheegay qoraal uu ku saxiixnaa xoghyaha baarlamaanka, waxaana mooshinka lagu sheegay inuu mid ka dhan ah heshiisyadii amni ee xukuumadda Soomaaliya ay la gashay labadaas dal.

Sida ku helnay ilo xog ogaal ah, xildhibaanada mooshinka gudbiyay oo aan la ogayn tiradooda ayaa doonaya in la buriyo heshiis kaste oo dhinaca amniga ah oo ay xukuumadda Soomaaliya la gashay dalka Itoobiya iyo Imaaraatka, iyagoo sheegay in heshiisyadaas ay halis ku yihiin qaranimada Soomaaliya.

Mooshinkaan ayaa kusoo beegmay, iyadoo maalmo ka hor labada aqal ee baarlamaanka uu buriyay heshiiskii is afgaradka ahaa ee ay kala saxiixdeen Itoobiya iyo Somaliland, heshiiskaas oo la sheegay inuu halis ku yahay qaranimada iyo madax bannaanida Soomaaliya.