7/3/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Jan 7 , 2024
Bannaanbax balaadhan oo lagaga soo horjeedo heshiiska Itoobiya oo ka dhacay magaalada Boorama

Axad, January, 7, 2024 (HOL) - Bannaanbax balaadhan oo lagaga soo horjeedo heshiiska badda ee dhawana dhexmaray Itoobiya iyo Somaliland, ayaa ka dhacay magaalada Boorama.

Bannaanbaxa oo saaka ka bilowday magaalada Boorama ayay dadwaynuhu kaga soo horjeedaan saldhiga ciidan ee ay dhawaan Itoobiya iyo Somaliland ku heshiiyeen in Itoobiya laga siiyo bada Somaliland.

Dhinaca kale, qaar kamid ah dadwaynaha ku dhaqan deegaanka xeebta ah ee Lughaya ee Somaliland ayaa sheegay in anay ogolayn heshiiska Itoobiya lagu siinayo saldhig badeed.

Qaar kamid ah dadwaynahan oo muuqaalo iska soo duubay iyaga oo sita qaar kamid ah hubka fududu, ayaa sheegay in anay aqbalayn in ciidamo Itoobiyaan ahi ay yimaadaan dhulkooda.

"Dagaal ayaanu ka xignaa, hubkayagiina wakaas oo waad aragtaan intiisii u horaysay, anaga Oromo in uu badayada yimaado ma ogolin, dagaal ayaananu ka xignaa, bada Soomaali ayaa leh, Somaliland wax la yidhaahdana maba garanayno, Somaliland ma mid dhulka iibisa ayay noqotay" mid kamid ah ayaa sida yidhi.

Itoobiya ayaa dhawaan sheegtay in Somaliland ay u sheegtay in ay saldhiga ka siin doonto deegaanka xeebta ah ee Lughaya ee galbeedka Somaliland.