7/3/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Jan 13, 2024
Ukraine oo sheegtay in 4 muwaadin ay kaga jireen shaqaalihii la socday diyaaradii Shabaab u gacan gashay
 

Sabti, January, 13, 2024 (HOL) - Afar qof oo u dhashay Ukrain ayaa kamid ahaa shaqaalihii la socday diyaarad Helicopter ah oo ay leedahay Qaramada Midoobay oo dhawaan ay Al-Shabaab ku qabsatay bartamaha Soomaaliya, sida ay sheegtay wasaaradda arrimaha dibadda ee Ukraine.

"Muwaadiniintayadu waxay xubno ka ahaayeen shaqaalaha helikobter-ka ee howlgalka Qaramada Midoobay ee Soomaaliya...Aqoonsigoodu waa la ogaaday," ayuu afhayeen u hadlay Ukraine oo lagu magacaabo Oleh Nikolenko ku soo qoray Facebook.

Waxa uu sheegay in diyaaradan ay leedahay shirkad gaar loo leeyahay oo laga leeyahay dalka Ukraine oo qandaraas la gashay Qaramada Midoobay.

Ilo dhanka ammaanka ah ayaa goor sii horeysay u sheegay Wakaaladda Wararka ee Reuters in sidoo kale ay la socdeen muwaadiniin u dhashay dalalka Masar, Uganda iyo Soomaaliya.

Dowladda Soomaaliya ayaa Khamiistii sheegtay inay ku howlan tahay soo furashada la haystayaasha, balse quburada ammaanka ayaa sheegay inay adkaan doonto in lasoo furto shaqaalaha diyaaradda la socday.

Qoraal Qaramada Midoobay kasoo baxay ayaa lagu sheegay in hal qof oo diyaaradda helicopter-ka saarnaa la dilay lixna la qafaashay. Waxaa la sheegay in labo qof ay carareen oo aan la ogeyn halka ay jaan iyo cirib dhigeen.