7/3/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Jan 13, 2024
Labo badmaax oo ka tirsan ciidamada badda Mareykanka oo lagu la’yahay xeebaha Soomaaliya
 

Sabti, January, 13, 2024 (HOL) - Labo badmaax oo ka tirsan ciidamada badda Mareykanka ayaa la la’yahay xilli ay howgallo ka wadeen xeebaha Soomaaliya Khamiista, sida uu sheegay taliska dhexe ee dowladda Mareykanka.

Bayaan kooban oo lasoo saaray ayaa lagu sheegay in hawlgalka baadigoobka iyo samatabbixinta uu socda si loo helo badmaaxiinta.

Bayaanka laguma sheegin macluumaad dheeri ah oo ku saabsan shaqada ay badmaaxiintu ku jireen markii la waayayay.  

"Ixtiraamka loo hayo qoysaska ay kasoo jeedaan badmaaxiyiinta, ma sii deyn doono macluumaad dheeraad ah xilligan," ayaa lagu yiri bayaanka kasoo baxay taliska dhexe.

Badmaaxayaasha la waayay, ayaa kusoo aaday xilli uu Maraykanka badda cas ka wado howlgallo ka dhan ah Xuutiyiinta oo halista ku ah maraakiibta Maraykanka.

Mareykanka ayaa Soomaaliya waxaa ka jooga ciidamo tiro yar kuwaas oo diiradda saara khatarta kooxda Al-Shabaab.