7/3/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Jan 13, 2024
Tartanka Kubada Cagta dowlad goboleedyada iyo gobolka Banaadir oo la hakiyay iyo Koonfur Galbeed oo isaga baxday
 

Sabti, January, 13, 2024 (HOL) - Iyadoo Maqribnimadii Xalay weerar dhagaxaan loo adeegsaday lagu qaaday gaari Bas ah oo ay saarnayeen Ciyaartooyda Xulka Koonfur Galbeed, islamarkaana ay dhaawacyo soo gaareen lix ka mid ah ciyaartoyda ayaa Wasiirka Ciyaaraha maamulka Koonfur Galbeed wuxuu ku dhawaaqay iney isaga baxeen tartanka Ciyaaraha dowlad goboleedyada iyo gobolka Banaadir.

Wasiirka Wasaaradda Ciyaaraha maamulka Koonfur Galbeed oo Xalay shir jaraa'id u qabtay warbaahinta ayaa sheegay in gabi ahaanba isaga baxeen tartanka Ciyaaraha, islamarkaana ay dib dambe uga soo qeyb gali doonin.

"Waan isaga baxnay tartanka waxaana cadeyna in laamaha amaanka gobolka Banaadir iyo wasaaradda dhallinyarada iyo ciyaaraha ku fashilmeen ilaalinta bad qabka ciyaartoyda  mataleysa xulalka tartankan ka qeyb galaya gaar ahaan kuwa Koonfur Galbeed oo beegsi gaar ah lagu sameeyay, ciyaartoyda qaarba dhaawac culus qaba" ayuu yiro wasiirka Ciyaaraha maamulka Koonfur Galbeed.

Weerarka dhagxaanta ee waxyeelada kasoo gaartay ciyaartooyda Koonfur Galbeed ayaa yimid xili ay Shalay lasoo ciyaareen dhigooda Galmudug oo ay guul darro kala soo kulmeen.

Wasiirka ayaa sidoo kale sheegay weerarkan lagu qaaday ciyaartoyda Koonfur Galbeed inuu yahay kii labaad oo ay la kulmaan, isagoona tilmaamay in sidan oo kale loo weeraray ciyaartoyda Koonfur Galbeed tartankaan kii ka horeeyay ee ka dhacay Muqdisho.

Xulka Koonfur Galbeed ee ku dhawaaqay iney isaga baxeen tartanka waxaa u harsan kaliya hal ciyaar oo ay la leeyihiin Hirshabelle, waxaana ciyaartaasi ku xiran tahay rajadooda iyagoona Samifinal u soo bixi kara haddii ay badiyaan.

Ugu dambeyntii Wasaaradda Dhalinyarada iyo Ciyaaraha Xukuumadda Soomaaliya oo ka jawaabeysa weerarka lagu qaaday Xulka Koonfur Galbeed ayaa shaacisay in mudo sadax maalmood ah la hakiyay tartanka Ciyaaraha Kubada Cagta dowlad goboleedyada iyo gobolka Banaadir.

Go’aankan ayaa waxa uu kusoo aadayaa, xilli xalay la weeraray baskii ay saarnaayeen ciyaartooyda  Koonfur Galbeed, waxaana falkaasi cambaareeyey Wasaaradda Dhallinyarada iyo Ciyaaraha, Taliska Booliska gobolka Banaadir iyo maamulka gobolka Banaadir.