7/3/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Jan 13, 2024
Madaxweyne Mustafe Cagjar oo soo dhaweeyay heshiiskii is afgarad ee ay wada gaareen Itoobiya iyo Somaliland
 

Sabti, January, 13, 2024 (HOL) - Xukuumadda Dowlad degaanka Soomaalida ayaa marki ugu horreysay ka hadlay heshiiska is afgarad ee dhinaca badda ah, kaas oo horaantii bishan ku dhex maray Addis Ababa Dowladda Itoobiya iyo Somaliland.

Haddaba Madaxweynaha Dowlad degaanka Soomaalida Mustafe Cagjar oo galinkii dambe ee shalay la hadlay Warbaahinta degaanka ayaa sheegay in loo baahan yahay dekad uu dalku isticmaalo, isagoo dhinaca kale soo dhaweeyay heshiiskaas is afgarad ee toddobaad ka hor wada gaareen Itoobiya iyo Somaliland.

Madaxweynuhu waxa uu ugu horreyn xusay in dalka Itoobiya uu dadkiisu qiyaastii ka badan yihiin 120 milyan oo qof uu ku tiirsan yahay dekadaha dalalka deriska la ah Itoobiya, isagoo sheegay in heshiiskan is afgarad uu faa'iido u leeyahay dalka Itoobiya gaar ahaana degaanka Soomaalida oo kamid ah dalka Itoobiya uu faa'iido gaar ah u leeyahay maadaama xoolaha u badan degaanka laga dhoofiyo, waa siduu hadalka u dhigay Madaxweynuhu.

Madaxweynuhu waxa uu sidoo kale aheegay in heshiiskani dhinaca badda ah ee ay wada galeen Itoobiya iyo Somaliland uusan cid gaar ah duulaan ku ahayn, balse uu yahay kaliya iyadoo heshiis lagu yahay  in la kala faa'iidaysto oo la is dhaafsado dhaqaalaha iyo wixii khayraad ah, isagoo xusay in heahiiskani uu faa'iido weyn u leeyahay labada dhinac ee heshiiska wada galay waa siduu hadalka u dhigay Madaxweynuhu.

Ugu dambayn, waxa uu Madaxweynuhu sheegay isagoo la hadlaya shacabka degaanka Soomaalida inaan marna lagu milmin cidda isku haysa arrimaha Badda ee khilaafku ka jiro, isagoo xusay in shacabku ilaashadaan Amniga oo ay ka hortagaan wixii qalalaase keeni kara ee la xiriira arrimahan Badda, waa siduu hadalka u dhigay Madaxweyne Mustafe Cagjar.

Hadalka Madaxweynaha ayaa kusoo aadaya xilli ay kacsan tahay xiisadda ka dhalatay heshiiskii ay dhawaan wada gaareen Itoobiya iyo Somaliland ee dhinaca Badda, taas oo keentay in khilaaf xooggan uu soo kala dhexgalo Itoobiya iyo Soomaaliya, wuxuuna Madaxweyne Mustafe Cagjar noqonayaa Madaxweynihii u horreeyay ee Soomaali ah ee taageera heshiiskan u dhaxeeya Itoobiya iyo Somaliland.

Shacabka Dowlad degaanka Soomaalida ayaa arrinta badda ku kala aragti duwan marka laga yimaaddo kuwa kasoo muuqday Warbaahinta Dowladda dadka intiisa kale waxay si buuxda uga soo horjeedaan heshiiskaasi ay wada galeen Itoobiya iyo Somaliland.