7/3/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Jan 13, 2024
Ciidamada Amaanka degmada Jalalaqsi oo gacanta kusoo dhigay nin ku eedeysan dilka Xaaskiisa
 

Sabti, January, 13, 2024 (HOL) - Ciidamada amaanka degmada Jalalaqsi ee gobolka Hiiraan ayaa howlgal qorsheysan oo ay ka sameyeen xaafadaha degmadaas kusoo qabtay nin la sheegay inuu dilay Xaaskiisa.

Eedeysanaha gacanta lagu soo dhigay oo lagu magacaabo Maxamed Cabdullaahi Cismaan ayaa la sheegay inuu si naxariis daro ah uu u dilay Xaaskiisa oo lagu magacaabi jiray Maryama Nuur Mayle.

Dilka ninkaan uu u geystay Xaaskiisii ayaa la sheegay inuu ka dhashay Maseyr, waxaana in gacanta lagu dhigo ka qeyb qaatay dadka shacabka ah.

Maamulka degmada degmada Jalalaqsi ee gobolka Hiiraan ayaa sheegay in eedeysanaha ay ku socdaan baaris, islamarkaana la hor keeni doono cadaalada.

Meelo badan oo ka mid ah gudaha Soomaaliya waxaa sanadahii dambe kusoo kordhaayay dilalka argagaxa leh oo aan horay loo arki jirin.