7/3/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Jan 11, 2024
Madaxweyne Xasan Sheekh oo Midowga Yurub kala hadlay xaalada gobolka iyo xiisada Badda
 

Khamiis, January, 11, 2024 (HOL) - Madaxweynaha dowladda Fedaraalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa Maanta xarunta madaxtooyada dalka ku qaabilay Ergayga gaarka ah ee Midowga Yurub u qaabilsan geeska Afrika Annette Weber.

Madaxweyne Xasan Sheekh iyo Annette Weber ayaa ka wada hadlay arrimo ay ka mid yihiin xaalada gobklka iyo doorka Midowga Yurub ee dowlad dhiska iyo horumarka Soomaaliya.

Labada dhinac ayaa sidoo iska xog wareystay howlgalada ka dhanka ah kooxda Al-shabaab ee ka socda qaar ka ka mid ah gobolada dalka iyo waliba tayenta ciidamada Soomaaliya.

“Egeyga Midwoga Yurub ee geeska Afrika ee Soomaaliya Annette Weber waxay adkeysay mowqifkii Midowga Yurub ee ilaalinta xasiloonida iyo degenaanshaha Geeska Afrika, iyadoo xustay muhiimadda ay siinayaan in la dhowro madaxbanaanida, gobonimada  iyo midnimada Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya" ayaa lagu yiri qoraal ka soo baxay Madaxtooyada Soomaaliya.

Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa uga mahadceliyey Midowga Yurub tageerada ay u muujiyeen qaranimada iyo madaxbaaninda Soomaaliya, isagoona ku boggaadiyay dadaalka ay ku bixinayaan shacabka iyo dowladda Soomaaliyeed difaaca dhulkooda, baddooda iyo gobanimadooda.