7/3/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Jan 11, 2024
Madaxweynaha Soomaaliya iyo xoghayaha guud ee QM oo ka wada hadlay walaaca heshiiska Itoobiya iyo Somaliland
 

Khamiis, January, 11, 2024 (HOL) - Xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay Antonio Gutteres ayaa sheegay inuu la hadlay madaxweynaha dowladda Federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud, isagoo ka dhegaystay walaaca heshiiska Is-fahamka ee u dhexeeya Itoobiya iyo Somaliland.

Xoghayaha Qaramada Midoobay Antonio Gutteres ayaa xusay in Golaha Ammaanka uu dhowr jeer ku celceliyay in uu ixtiraamayo Madaxbanaanida dhuleed iyo Midnimada Soomaaliya.

Xoghayuhu wuxuu rajeeyay in dhammaan dhinacyadu ay galaan wadahadal nabadeed oo waxtar leh iyo inay ka fogaadaan fal kasta oo xaaladda sii kordhin kara.

Madaxtooyada Soomaaliya ayaa dhankooda war ay soo saareen ku sheegay, in madaxweyne Xasan Sheikh uu la wadaagay xoghayah Qaramada Midoobay aragtida iyo siyaasada dowlada federal Soomaaliya oo ku dhisan daris-wanaag, iskaashi iyo is-ixtiraam.

Madaxweynuhu wuxuu sheegay in aysan dadka iyo dowladda Soomaaliya aqbalaynin in lagu soo xadgudbo midnimadooda iyo dowladnimadooda.

Si kaste ha ahaatee, dowladda Soomaaliya ayaa maanta oo khamiis ah magaalada Muqdisho ka sameynaysa mudahaarad ballaaran oo loogasoo horjeedo damaca Ethiopia ee badda Soomaaliya, iyadoo farriin cad loogu diray dowladda Ethiopia.

Dhammaan howlaha dowladda iyo xarumaha waxbarashada ayaa la fasaxay si ay dadka isugusoo baxaan una muujiyaan dareenkooda ku aaddan sida ay ugasoo horjeedaan isku day kaste oo ay Ethiopia ku doonayso inay ugusoo xadgudubto qarinimada Soomaaliya.