7/3/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Jan 11, 2024
Somaliland oo sheegtay in Soomaaliya ay heshiis qarsoodi ah la gashay Itoobiya
 

Khamiis, January, 11, 2024 (HOL) - Xukuumada Somaliland ayaa sheegtay in dowlada Soomaaliya ay si qarsoodi ah Itoobiya ula gashay heshiis qarsoodi ah oo dhinaca badda ah.

Wasiirka Arrimaha Guddaha Somaliland Maxamed Kaahin Axmed, oo ka jawaabayay diidmada ay dowlada Soomaaliya ka muujisay heshiiska Somaliland iyo Itoobiya, ayaa sheegay in Soomaaliyaba ay heshiis la gashay Itoobiya.

"Wasiirka Gaashaandhiga Soomaaliya oo heshiis lasoo galay dalka Itoobiya, oo ula soo galay in ay iska kaashanayaan arrimaha badda iyo dhulkaba, heshiiskan oo qarsoodi ahaa, inaga heshiiska madaxweynuhu markuu madaarka kasoo dagay ayuu dadka uga waramay" ayuu yidhi Wasiir Kaahin.

Wasiirka ayaa dowlada Soomaaliya ku eedeeyay in ay dagaal kula jirto Somaliland iyo in ay been abuur ka samaynayso heshiiska labada dhinac, isaga oo sheegay in ay is difaaci doonaan markasta.

Wasiirku waxa uu dowlada Soomaaliya ku eedeeyay in ay Al Shabaab iska kaashanayaan burburinta Somaliland, iyada oo dowlada federaalku ay sheegtay in kaniisada Itoobiya ay imanayso Somaliland, taasi oo uu wasiirku ku sifeeyay qorshe la doonayo in dadka lagu kiciyo.

Dowlada Soomaaliya ayaa aad uga soo horjeedsatay isfahamka Somaliland iyo Itoobiya, iyada oo mudaharaado ay dowladu soo abaabushay ay maalintii labaad ka dhaceen gobolka Banaadir.