7/3/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Jan 11, 2024
Dowladda Soomaaliya oo billowday dadaallo lagu badbaadinayo shaqaalihii la socday diyaaradii u gacan gashay Al-Shabaab
 

Khamiis, January, 11, 2024 (HOL) - Dowladda Soomaaliya ayaa dadaal ugu jirta sidii ay u soo badbaadin lahayd rakaabkii la socday diyaarad Helicopter ah oo ay leedahay Qaramada Midoobay oo ay gacanta ku dhigeen kooxda Al-Shabaab.

Wasiirka wafaafinta Soomaaliya, Daa’uud Aweys ayaa sidaasi u sheegay wakaaladda wararka ee Reuters, inkastoo saraakiisha ciidamada ay sheegeen in ay adag tahay in la gaaro goobta la geeyey shaqaalaha.

Diyaaradan oo ahayd nooca qumaatiga u kaca ah ayaa ka soo kacday magaalada Beledweyne, waxayna ku degtay meel u dhow deegaanka Gadoon ee gobolka Galgaduud cilad farsamo awgeed, sida lagu sheegay qoraal ka soo baxay Qaramada Midoobay.

"Dowladdu waxa ay wadday dadaallo lagu samata bixinayo shaqaalaha diyaaradda tan iyo shalay markii uu shilku dhacay, dadaalkuna weli waa socdaa," ayuu yiri wasiirka warfaafinta Daud Aweis oo la hadlay wakaaladda wararka ee Reuters.

Ma uusan bixin wax faahfaahin ah oo kale. Diyaaradda waxaa saarnaa 9 rakaab ah, oo ay ku jiraan shaqaale militari iyo qandaraasle.

Ugu yaraan lix ka mid ah rakaabka ayaa la sheegay in Al-Shabaab ay gacanta ku dhigeen.

Korneyl C/llaahi Ciise oo ku sugan magaalada Cadaado oo qiyaastii 100km dhanka waqooyi kaga beegan degaanka Xiindheere oo ku dhow meesha diyaaraddu ku degtay ayaa u sheegay wakaaladda  Reuters in ciidamada ku sugan deegaankaasi aysan qorshaha ugu jirin inay qaadaan gurmad.

“Ma jirto ciidan u baxay inay soo badbaadiyaan. Ma aaminsani inay baxsan doonaan. Deegaanka waxaa gacanta ku haya Al-shabaab in ka badan 10-sano, xitaa dadka halkaas ku nool ayaa ah kuwo taageersan Al-shabaab." ayuu yiri sarkaalku. "

Warbixin kooban oo ay soo saartay Qaramada Midoobay waxay ku sheegtay in dadaalo jawaab celin ah ay socdaan. Waxaana sidoo kale la hakiyay duulimaadyadii hawada aaggaas ku safri lahaa.